Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayay Magacaaabista Ra’iisul wasaraaha cusub ee dalka Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa lagu qabtay Xarunta degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.
Dibad baxan oo ay ka qeyb qaadanayeen dadweeyne ka kala socday Xaafadaha ay ka kooban tahay degmadda Warta Nabadda ayaa waxaa lagu soo dhaweynaayay mnagacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana soo qaban qaabiyay masuuliyiinta degmadaasi, iyadoo ay isu soo baxayaasha ku dhawaaqaayeen ereyo muujinaya sida ay raaliga uga yihiin bulshadda ku dhaqan degmadaasi iyo sida ay ugu faraxsan yihiin magacaabistaasi Ra’iisul Wasaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliaya.
Gudoomiyaha degmada Warta Nabadda Deeqo C/qaadir Axmed ayaa fagaaraha xarunta degmada kula hadashay dadweynihii ka soo qeyb galay isu soo baxa oo ay u badnaayeen haween ku labisnaa dhar ka sameysnaa Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.
Marwo Deeqa ayaa sheegatay in Ra’iisul wasaraha looga baahan yahay in uu soo dhiso Xukuumad wanagsan oo tayo fiican leh, una shaqeysa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, taas oo loogaga baahan yahay inay ku shaqeyso Cadaaladda iyo horumar si loogaga baxo dshibaatooyinka haatan dalaka ka jira, kuwaasi oo iskugu jira Nabadgalyo xumida wax ka qabata.
Sidoo kale Deeqa waxay sheegtay in Ra’iisul wasaraha xukuumadda cusub ee Soomaaliya golahiisa wasiiradda ee u soo magacaabi dooono in uu ku saleeyo kuwo wax qaban karra ee uusan ku magacaabin qabiil waayo ayey tiri qabiil waa wax maanta shacbiga Soomaliyeed dhibaatadda baday.
Isu soo baxaabn oo lagu taageraayay magacaabista Ra’iisul wasaraha cusub laguna soo dhaweynayay ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaladda Muqdisho.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login