Gaalkacayo oo ay wada seexeen 3-dax madaxweyne

Koofurta Magaalada Galkacyo oo ah Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wada sugan 3 Masuul oo midba dhankiisa sheeganaya in  uu yahay Madaxweynaha Xaqa  ah ee Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Maxamed Axmed Caalin, oo ah Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug ayaa shalay gaaray Koofurta Magaalada Galkacyo Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay qaar ka tirsan Maamulkiisa iyo Taageerayaashiisa.

Sidoo kale Mudane Caalin ayaa sheegay in uu weli yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug, inta dadka ku abtirsado Galmudug ay soo dhisanayaan Maamul loo Wada dhanyahay.

Maxamed Axmed Caalin, ayaa sidoo kale ka digay in Maamulka Galmudug ay isku Koobaan Hal Been, waa sida uu Hadalka u dhigay.

Sidoo kale Koofurta Galkacyo oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Todobaadkii hore waxaa gaaray Wafdi uu Hogaaminayay  Maxaned Cabdi Tima kala Jeex oo isna dhankiisa sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ee Maamulka Galmudug.

Taageerayaal Fara Badan ayaana Todobaadkii Hore waxa ay ku soo dhoweeyeen Koofurta Magaalada Galkacyo.

Si kastaba ha ahaate Cabdi Xasan Cawaale (Qeybtiid) oo isna dhankiisa aaminsan in uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ee Maamulka Galmudug , ayaa shalay waxa uu ka digay in Maamulkiisa uu Gacan bir ah ku qaban doono Cid kasta oo isku dayda in ay qal qal galisa Amaanka Deegaanada Hoos yimaado Maamul Goboleedka Galmudug.

Mudane Cabdi Qeybdiid ayaa Xil wasiirnimo waxa uu ka soo qabtay Xukuumadii Cumar Cabdirashiid, sidoo kale waxa uu mar soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed.

Mr. Qeybdiid ayaa waxa uu ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii laga Awood Roonaaday ee mar ka Talin jiray  Magaalada Muqdisho.

Koofurta Galkacyo Haatan waxaa ka jira Jahwareer siyaasadeed, iyadoo laga Cabsi qabo in ay isku dhacaan Taagerayaasha 3 Madaxweyne ee ku wada sugan Koofurta Magaalada Galkacyo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login