iidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jameeca oo qiyaastii 12 km dhinaca bari kaga beeggan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
General Aadan Yabarow oo ka mid ah saraakiisha horkaceysay howlgalka lagu qabtay deegaankaas ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda ay si nabdoon ku qabsan doonaan degmada Buurhakaba, halkaasi oo lagu soo warramayo in ay shalay ka baxeen maleeshiyada al-Shabaab.
Sarkaalka ayaa xusay in ciidanka dowladda aanay ku hakan doonin Buurhakaba, balse ay qorsheynayaan la wareegidda deegaannada kale ee ka harsan gobollada Baay iyo Bakool ee ay weli ku sugan yihiin kooxda al-Shabaab, sida Diinsoor, Waajid iyo Tiyeglow.
Qabashada deegaanka Jameeca ee gobolka Baay ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadeen qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login