Kulankii Madaxweynaha iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kula kulmay magaalada Kampala Jaaliyada Soomaaliyed ee ku nool dalka Uganda.

Kulankan oo ka dhacay Hotelka magaalada Kampala ka degan yahay Madaxweynaha ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal ruux oo ka tirsan Jaaliyada, kuwaasoo isugu jiray, Ganacsatada, waxgaradka, Haweenka iyo Ardayda wax ka barata dalka Uganda.

Xubno ka tirsan Jaaliyada ku dhaqan dalka Uganda oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida waqtigiisa ugu huray inuu Jaaliyada la kulmo, isla markaana uga warbixiyo xaalada dalka Soomaaliya iyo is bedelada uu dalku galay.

Kulankan oo ay ku wehliyeen Madaxweynaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay kulanka ayaa sheegay  in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidii dib lagu soo celin lahaa sharafkii, karaamadii iyo heykalkii dowladeed ee ay Soomaaliya laheyd.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu waa cusub u baryay, isla markaana ay cagta saartay is bedel iyo horumar, isagoo xusay in fursada hada la heysto uu yahay dib u dhiska dalka sidii loo ambaqaadi lahaa, ayna shacabka Soomaaliyed u muujin lahaayeen isku duubni iyo midnimo.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayay qorshayaasha soo socda ee dowladda waxaa uu xusay in qorshuhu yahay Afarta sano ee soo socota in guud ahaanba dalka la xasiliyo, iyadoo la hirgelinayo mashaariic hormarineed, isla markaana qorshayaasha xasilintana ay ugu horeyso guulaha hada ay Dowladdu ka gaartay xoreynta dalka.

Kulankan uu la qaatay Madaxweynaha Jaaliyada ku dhaqan dalka Uganda ayaa noqonaya kii u horeeyay oo uu la yeesho jaaliyadaha ku nool dibada tan iyo markii loo doortay 10-kii bishii hore xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

_____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login