Maamul Beeleed Iyo Website Beeleed !!! By Abubakar Elmi

Ka dib burburkii ku dhacay dawladii dhexe ee soomaaliyeed sanadku markuu ahaa bishii janaayo 1991 , waxay bulshadii Soomaaliyeed u kala baxday beelo iyada oo beel walba ay dabada gelisay isuna urursatay deegankii ay asal ahaan ka soo jeedeen . Beelahaas oo samaysaty ciidamo beeleedyo iyaga u gaar ah .

Aqoonyahano , Ganacsadeyaal , Siyaasiyiin, Ab waano , Madaxdhaqameedyo iyo Saraakiishii ciidamada dhamaantood dadkaas aan kor su soo xusay waxay dabada geliyeen oo ay hogaamiyayaal u noqdeen beelihii ay ka soo jeedeen iyaga o ku dhiiri geliyay inay sameystaan ciidamo iyo maamul u gaar ah beeshooda . Taasina waxay u gogal xaadhay kala fogaan iyo shaki soo kala dhex galay beelihii Soomaliyeed ee wada degaana ama isu dhawaa degaan ahaan. Beel walba waxay bilowdey siday isu urursan lahayd una samaysan lahayd deegaan iyo ciidamo , waxaa bilaabmay tartan aan o dhan karo wuxuu la mid yahay midkii u dhexayn jiray dawlada maryakanka iyo midowgii soofiyeetka xilgii dagaalkii qaboobaa .

Dhamaan dadkan aan kor ku soo xusay oo ahaa hogaankii bulsho si wanaag iyo horumar ku jiro ku hogaamin lahaa waxay hormuud ka noqdeen kala qeybsanaata iyo burburka ku dhacay bahweyntii soomaaliyeed , taasina waxaan cadeyn uga dhigaayaa labadan qodob e oos ku qoran.

Maamulgoboleed

Waxay dadkaas aan soo sheegay ka qeyb qaateen aasaaska ama ku dhawaaqida wax loogu yeedho Maamul goboleed ama dawlad gobaleedyo ku salyasan qaab qabiil ama beeleed waxaad arki kartaa degmo ayaa waxaa laga wada dhawaaqayaa laba maamul gobaleed oo kala duwan ama gobol ayaa waxaa laga sameynayaa dhawr maamul gobaleed oo ku salaysan qaab beeleed.

Waxaad arkaysaa nin oday ah oo da’diisu kor u dhaaftay ilaa 80 sano oo wax badan u soo joogay halgankii xornimada ee soomaaliyeed iyo gobanimada wanaageeda iyo nin sheeganaya Aqoonyan sitan darjo ah proff , Eng ama Dr iyo sarkaal ciidan oo dhex fadhiya ilaa 50 reerkooda ah dhex fadhiya oo leh waxaan ku dhawaaqnay maamul gobaleedka la yidhaa sidaas.
Su aashaydu waxa weeyaan mar hadii dadkii sheeganayay inay yihiin aqoonyahayno ama hogaamiyayaal ay sidaas u dhaqmeen ayna ka doorbideen qaranimadii inay wax ku raadsadaan qabiilnimo . Yaa u maqan umaddii soomaaliyeed .

Taasi waxay ku tusaysaa sida ayna ummada soomaaliyyed u fahansanyn qaab dhismeedka dawladeed ee lagu magaacaabo Federalism.

Umadda soomaaliyeed oo ah dad isla dhashay oo wada dega degmo ama gobol kasta oo ak tirsan dhulka soomaalida waa dad isku dhex jira oo wadaaga diin , dhaqan , dhiig iyo af , umalayn maayo in la heli karo hal magaalo ama deegaan reer qudha uu degan yahay .

Sidaas aawadeed maamul beeleed yadani waxay inagu celinayaan sidii aan ahaan jirnay intii guumaystuhu inoo iman
waxaan ka cabsi qabaa in dib la inoo guumaysan doono , Faraj xaga Ilaahay inooga yimaada mooyaan e wax rajo ah oo ka soo muuqata soomaalida dhexdeede ma jirto.

Website Beeleed

Ka dib burburkii dawladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee soomaalida dhexdeede waxaad arkaysaa in aalada la yidhaaho internet ka isticmaalkeedu uu kor u kacay , iyada oo bogaga aalad internet ee wax lagu qor lagana akhristo ee layidhaahdo website ku soo bateen iyaga oo kor u dhaafaya ilaa ku dhawaad kun.

Dhamaantood waxy sitaan magac degaan sal ku leh waxaana iska leh shakhsiyaad waxayna u isticmaalaan aalad ama hub lagu difaaco reerahooda shaqadooduna waxaa weeyaan labadan qodob ee hoos ku qoran;

A – In beesha lagu buun buuniyo lagana sheego taariikh hore aanan u jirin iyo in beeshaasi tahay ta ugu mudan in ay iyagu hogaamiyaan ummada inteeda kale, inay sheegaan in beeshoodu ay tahay ta ugu balaadhaan degaan iyo dad ahaan ba soomaalida dhexdeeda. Waxay qeyb libaax ka qaataan kala fogaynta beelaha soomaaliyeed dhexdooda.

B – Waxay buunbuuniyaan Shakhsiyaadka ka soo jeeda beelahooda iyaga oo ku sheega inuu yahay kaga ugu mudan inuu hogaamiyo soomaalida waxay u samaeeyaan dacaayaad ama faanin xad dhaaf ah , waxay u sameeyaan taariikh aan uu lahaan jirin iyo wax qabad yo aanuu soo qaban waligii iyo aqoon aanuu lahayn ba.

Gebagabadii waxaan dhihi lahaa dhaliyarada qoraayaasha ka ah bogaga internetka ee soomaalidu leedahay in marka hore aad tihiin dhalinyaro dadaal muujiyay iyaga oon haysan dawlad ama cid ka gargaartay in ay yeeshaan ama wax ku qoraan aalada internet ka waan idinku hanbalyanayaa dadaalkiina . Laakiin hadii aad ka shaqeysaan kala qobqobka iyo kala qaybinta soomaalida waxaad qeyb ka noqonaysaan dadka ka sheeqeeyay ee dhiiri galiyay kala qobqobnaata soomaalida dhexdeeda

Mahdasanidiin
Abobaker Elmi

aboubaker22@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.