Madaxweyne Xasan oo la kulamay dhigiisa dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani iyadoona labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Kambaala waxaana mas’uuliyiinta ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo kala kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo dheeraad ah oo ka socdo dowladda Uganda si ay uga qeyb qaataan howlgalada ka socdo dalka maadaama goballo  badan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgarteen in si buuxda la iskala kaashado la dagaalkan maleeshiyada shabaab ee ku biirtay ururka Al-qaacidda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada kambaala ku sugan mudo Sadax Maalin ah halkaas oo uu uga qeyb galayay munaasabadii 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda, waxuuna kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiinti ka qeyb gashay munaasabada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

.

– Suldan A. Farahseed | Communication Director | Office of the Somali President | Mogadishu, Somalia –

__________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login