Maleeshiyada Ururka Raaskambooni ayaa lasoo sheegayaa inay la wareegeen inta badan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay shaaciyeen in Jabhadda ONLF iyo Maleeshiyo Beeleedyo ay la wareegeen qeybo badan oo ka mid Magaalada Kismaayo.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ururka Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.
Saldhigga Magaalada, Xarunta gobolka, baro kale oo muhiim u ah Magaalada iyo dhowr Xaafadood ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen Ciidamada Raaskambooni, iyagoo halkaasi si buuxda u xaqiijiyay ammaankeeda.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ahaa qabshada Kismaayo ayaa waxa ay fariisin ka sameysteen Garoonka diyaaradaha, nawaaxiga Dekadda iyo kawaanka Xoolo qalka ee Kismaayo ee Jubbada hoose oo iyana ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya.
“ Magaalada Ciidamada Raskambooni ayaa gacanta ku haya, meel waliba ayay joogaan waliba ilihii dhaqaalaha, marka iyagaa Maamulaya” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in dhowr Xaafadood oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ay isku ururiyeen Maleeshiyo hub kala duwan wata, iyagoo ka cabsi qaba inay dhibaatooyin kala kulmaan Ciidamada Axmed Madoobe oo inta badan la wareegay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.
“ Ciidamada Kenya wali si wanaagsan uma soo galin gudaha Magaalada, Garoonka, Dekadda iyo meelo kale ayay joogaan oo duleedka ka ah Magaalada” sidaasi waxa yiri qof deegaanka ah.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Axmed Aadan Xersi Rufle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Maamulkii Magaalada uu u gacan galay Maleeshiyo Beeleed sida uu hadalka u dhigay taageero ka halaya Jabhadda ONLF kuwaasi oo si toos ah ula wareegay gacan ku haynta inta badan Magaalada Kismaayo, Ciidanka Dowladdana ay ka baxeen Magaalada sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladda Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya waxaan ka dalbanaynaa inay il gaar ah u yeeshaan Kismaayo oo ay la wareegeen Maleeshiyo iyo Ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe, Kismaayo gacanta dowladda way ka baxday” sidaasi waxa yiri Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee gobolada Jubbooyinka.
Xiriiro aanu la sameynay Axmed Madoobe ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno, hase ahaatee Magaalada ayaa waxa ka jirta xaalad kacsanaan ah, iyadoo mar waliba laga cabsi qabo dagaal dhexmara Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni.
Share on Facebook
![]() |
Socialize