Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ku howlan soo xulista golihiisa wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay inuu wado dadaalo xoogan oo ku aadan soo xulista Golaha Wasiirada, isagoo ka dhawaajiyay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.

Wareysi uu siiyay Idaacada Radio Muqdisho ayuu sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad awood leh oo ka qeyb qaadan karta is bedelka ka dhacay Soomaaliya iyo kuwa soo socda.

“Waxaan rajeynayaa inaan soo magacaabo Gole Wasiiro ku imaan doona aqoon, karti iyo hufnaan, taasoo ku imaan doonta wada tashiyo dhan walba ah”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay muhiimada siin doonto ammaanka iyo Dib u heshiisiinta, hadii uu kalsoonida baarlamaanka si buuxda ah u helo.

“Hadii aan helo kalsoonida Baarlamaanka waxay Xukuumadeyda xooga sarai doonaa Ammaanka iyo dib u heshiisiinta”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon Saacid ayaa sugaya codka kalsoonida Baarlamaanka, si uu u guto waajibaadka loo igmaday, iyadoo kadib looga fadhiyo inuu kama dambeys soo magacaabo Gole Wasiiro.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.