Waa maxay Danta Kenya ay ka leedahay Magaalada Kismaayo ???

Soomaaliya ayaa leh dhul lagu tilmaamo inuu dhaco dhul barwaaqo ah, sida beeraha iyo kheyraadka badda waxaa la saadaliya in dalka uu leeyahay Keyd badan badrool iyo macaadin ka badan bulshada iskaba day inta qarsan

Soomaaliya waxaa ku xeyran Dowlado dadkooda ay gaajeysan yihiin, Kenya tani markii ay dhacday Xukuumadii Dhexe waxaa dalkeeda ku qul-qulaayay Qaxooti soomaaliyeed oo ay marti galisay iyada oona u furtay Xirooyin lagu quudiyo qaxootiga

Shacabka soomaaliyeed waxaa lagu tilmaama shacabka qurah ee Kheyraadka dalkooda ka baahan waxaana si joogta ah dhaqaalahaasi u gurta Dowladaha Africa oo ay gaajadu la daristay

Kenya waxa ay naas nuujineysaa Maleeshiyaad Soomaali ah oo iyagu aan u dhaga nugleen in Dalka Somalia laga hirgaliyo Dowlad madaxbanaan oo iyadu isku filan si ay uga dharagto Kheyraadka dalka hooyo ee Somalia

Kenya waxa ay caalamka ku indha sarcaadisay inay quudiso Bulsho badan oo soomaali ah kuwaasoo magan-galyo u jooga gudaha dalkeeda waxa ayna halkaasi ku hanatay in Hay’adaha iyo Dowladaha caalamka ay dhaqaalaha Qaxootigaasi soo marsiiyan Dowladda Kenya halkaasina kaga tagri fasho

Xukuumadda Kenya ayaa iminka maalgalineysa Maleeshiyaad iyagu naftooda u huray inay Magaalada Kismaayo mar qurah u gacan galshaan Ciidamada Kenya si halkaasi Kenya ay uga adeegato kahor inta aan la hirgalin dowlad soomaali ah oo iyadu quwad ama awood laeh

Kenya waxa ay talaabadeeda ugu horeysay ka bilowday inay qabsato Xeebaha Kismaayo si halkaasi ay uga helaan hantida badda Somalia oo umadda soomaaliyeed aan kawarqabin in badaasi ay iyagu leeyihiin waxaana u sacaba tumay Boqolaal maleeshiyaad soomaali ah oo iyagu adeeca awaamirta Kenya

Waxaa dhagaha farta gishtay Dowladaha Caalamka oo iyagu iska indhatiray in xukuumadda Kenya ay kutagri faleyso hantida Somalia Xukuumada Somalia iyaduna malahan awood ay isaga celiso Dowladda Kenya taasoo ay tusaale kaga filantahay tababaro la’aanta heysata Ciidamada Somalia

Kenya waxa ay baadi goob ugu jirtaa sidii ay ku hanan lahayd Badroolka iyo macaadinta ku jirta dalka Hooyo iyada oo adeegsaneysa Magaalada Kismaayo waxaa jooga Argagixiso duulan igu ah oo aan ciribtiraaya calamkuna waxa uu qalinka ku duugay in Kenya ay Cinwaan ka dhigato ciribtirka Alshabaab Hayeeshe sheekadu sidaa wey ka duwantahay

Xukuumadda Kenya waxa ay wadataa Maamulo iyada daacad u ah islamarkaana fulinaaya awaamirta Kenya waxaana hormuud u ah Axmed Madoobe oo isagu sabab u noqday in Kenya ay soo gasho Dhulka Somalia si uu mar qurah u hanto ka amrinta Magaalada Kismaayo waxaana intaa bar-bar socda Qabaa’il dhulkaasi daga oo iyaguna afka kala furtay sheegayna in Kismaayo ay kusii jeedo wadadii Muqdisho ay iminka kasoo bogsatay

Ciidamada Kenya waxa ay iminka bilaaben in Xeebta Kismaayo ay kasoo dajiyaan hub iyo raashiin dhacay oo ay ku sumeynaayan Ciidamada Dowladda iyo shacabka magaaladaasi kunool iyaga oo hal kudhig ka dhigtay inay caawinaayan boqolaal Qoys oo iyagu u tabaaleysan helitaanka raashiin iyo daawo

Sidoo kale Kenya waxa ay iminka bilowday inay Xeebaha Kismaayo ka dhoofiso Meydad iyo dad nool oo iyagu lagu tuhmaayay inay katirsan yihiin Al-Qacida muhiimna u yihiin xukuumadda Kenya, waxaana sidoo kale laga  dhoofiyaa Kunteenaro oo aan lagaraneynin waxa ku jira

Kenya waxa ay iminka Mushaar ku filan u la’dahay Ciidamadeeda kuwa Gudaha iyo kuwa Daafaha Kenya ku suagan oo iyagu dhac u geysta Muwaadiniinta soomaalida ee ka barakacay Dagaalada Somalia magan galyana u raadsaday Dalka Kenya , Balse waxaa iminka muuqda in Xukuumadda Kenya ay heshay Dhaqaale ku filnaan kara shacabka iyo xukuumada Kenya Dhaqalahaasoo ka imaanaya Xeebaha Kismaayo oo iminka la Oran karo waxa ay gacanta u gashay Dowladda Kenya

Ciidamada Kenya ee ku sugan Xeebaha Kismaayo waxa ay mamnuucen in Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Somalia ay u gudbaan dhanka Xeebaha si looga ilaaliyo Ogaan shaha Howlaha Kenya ay kawadato Badda Kismaayo, waxaana xusid mudan in Ciidamada Raaskambooni iyaguna laga mamnuucay inay dhex-galaan Ciidamada Kenya inta laga dhisaayo maamul

Kenya wey tashatay kahor inta aan maamul loo dhisin Shacabka halkaasi kunool waxa ayna dilal u geysataa Culimada,ardayda,aqoonyahaanada halkaasi ku sugan oo iyagu laga yaabo inay sabab u noqon karaan in Ciidamada Kenya ay dib uga baxaan Magaalada Kismaayo waxa ayna Go’aansatay Kenya inay cirib tirto aqoonyahaan waliba ee kasoo horjeysan karo Ciidamadeeda

Gabagabo iyo gunaanad Dowladda Kenya waxa ay iminka heshay rajadii ahayd in mar qurah ay maamulato Magaalada Kismaayo oo ah dhul barwaaqo waxa ayna weysay cid arintaasi kala hadasho

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Khartoum – Sudan

Email: wararka@live.se

Tel; +2499-25293622 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login