Ugu yaraan lix ka tirsan dagaal yahanka Al-Shabaab, ayaa ku dhintay in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeyn weerar xagga cirka oo diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka uu adeegsado ka geesatay deegan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
TV-ga Press ee dalka Iran oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaa sheegay in dhacdadaas ay ka dhacday guri ku yaalla deeganka Kulbiyow ee gobalka Jubadda Hoose.
Sheekh Ibraahim Jabaar oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab ayaa Press TV u sheegay in weerarkaas uu dhacay Arbacadii shaley.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay, dhowr maalin kaddib, markii ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeyn magaalada Wanlaweyn oo 93-km waqooyi kaga beegan caasimada Muqdisho.
Isniintii, ayaa ugu yaraan 15-qof ku dhintay tiro intaas in kabadana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii diyaaradaha Mareykanka uu isticmaalo ee aan lahayn duuliyaha ee drone meel ku dhow Wanlaweyn, oo ahayd meel ay horreyn ugu xooganaayeen Al-Shabaab.
Miltariga Mareykanka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka waxa ay u adeegsadeen marka laga soo tago dalka Soomaaliya wadamada Afghanistan, Pakistan, Libya,Ciraaq, iyo Yemen.
Xukuumadda Washington waxa ay sheegataa in in diyaaradaha drones-ka ay ku bartilmaameesato kooxaha argagixisada, laakin wax yeelada ugu badan waxa ay soo gaartaa dadka rayidka.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize