Sida laga soo xigtay Wakaaladaha dalka Bulgium-ka ayaa waxa ay qoreen in Police-ka dalkaasi inay gacanta ku dhigeen tiro Todobo Dagaalyahaano oo ku abtirsada Shabaab.
Dowlada wadanka Biljimka ayaa iminka sheegtay inay xabsiga dhigtay 7-qof oo ay sheegtay inay kaga shakisantahay in ay xiriir la leeyihiin Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab waxa ayna xaqiijisay inay oo doonayay inay ku biiraan dagaalyahanada ka dagaalama Africa.
Howlgalo ay sameeyeen ciidamada dalka Biljimka ayaa ay ku soo qabteen dhalinyaro kuwaasi oo doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya waxa ayna iminka la daba joogan baaritaano lagu xaqiijinaayo kamid ahaan shaha Alshabaab.
Talaabada ay qaaday Dowladda ayaa waxaa lagu sheegaya inay qeyb ka tahaya talaabooyinkii ay dhawaan ku sheegtay inay ku qaadi doonto Ciribtirka Shabaabka ku farxaday Caalamka intiisa kale.
Si kastaba ha ahaatee Biljimka ayaa iminka sheegay inay hayan Liiska Argagixisada dalkeeda kusoo baxsaday waxa ayna carabaabtay inay ku howlan yihhin gacan ku dhiga dagaalyahaanadaasi.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize