Dad Mandheera lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya dagmada Mandera ayaa waxa ay sheegayaan in xalay niman bastoolado ku hubaysan ay dil ugu gaysteen Marxuumkaasi.

Allaha u naxariistee Marxuunka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Bile Macalin Aadan,waxa uuna ka mid ahaa Odayaasha Xaafada Buula Boosniya ee Degmada Mandera.

Qaar ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay ayaa sheegay geerida Ninkaasi waxa ayna sheegeen in aan la garanayn cida gaysatay.

Dhacdadaan ayaa waxaa cabsi ka muujiyay dadka Reer Mandera waxa ayna ku baaqeen in amaanka laga wada shaqeeyo.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login