Madaxweyne Xasan oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Air Port.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo qeyb galay Munaasabad 50-guuradii Xornimada dalka Uganda ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon, Xildhibaano, Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada qalabka sida, iyadoo Kooxda Baambeyda ay u garaaceen astaanta qaranka, waxaana kadib Madaxweynuhu gacan qaaday Mas’uuliyiinta soo dhoweysay.

Hadal kooban oo uu Saxaafada ku siiyay garoonka diyaaradaha ayuu uga hadlay safarkiisa, isagoo sheegay inuu la soo kulmay Madaxweynaha Uganda, Madaxweynaha Kenya, iyo mas’uuliyiin kale oo uu kala hadlay xaalada Soomaaliya iyo is bedelada ay gashay.

Madaxweynaha ayaa markii dambe gawaarida qaaska ah loogu soo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo ammaankiisa ay sugayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tagay dalka Uganda ayaa ah kii u horeeyay ee uu dibada ugu ambabaxo tan iyo markii 10-kii bishii hore loo doortay xilka Madaxweynaha, doorashadii taariikhiga aheyd ee ka dhacday Caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha oo dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub ayaa looga fadhiyaa inay soo dhisaan Gole Wasiir, iyadoo maalinimada sabtida lagu wado in Madaxweynuhu uu horgeeyo Baarlamaanka Ra’iisul Wasaarihiisa si codka kalsoonida u helo.

.

– Suldan A. Farahseed | Communication Director | Office of the Somali President | Mogadishu, Somalia  –

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.