Xoogaga Shabaab ayaa waxay si gaadmo leh ay Magaalada Muqdisho ugu toogteen mid ka mid ah Saraakiisha Dowladda Soomaaliya, mana jirto cid ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dilkiisa ka hadashay.
Niman bistoolado watay oo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa waxay xalay Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida oo lagu magacaabo Ilyaas.
Sarkaalkaan ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhufteen dhawr xabadood, iyagoona ka toogtay madaxa, isla-markaana goobtii ay ku dileen ayaa waxaa la-sheegay in uu ku naf baxay Sarkaalkaasi.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in goobtaasi ay iskaga baxsadeen kuwii dilay Sarkaalkaan, iyadoo daqiiqado kadib ay goobtaasi soo gaareyn ciidamo ka tirsan Nabad Suggida.
Ciidamadda Nabad Suggida ayaa waxay dilka Sarkaalkaasi ay u soo qab qabteen dhalinyaro fara-badan, oo lala xiriirinaayo inay ku lug lahaayeen dilka Sarkaalkaasi, amaba ay ka tirsan yihiin kooxda Shabaab.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilka loo-geystay Sarkaalkaasi, kaasoo la-sheegay in maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login