Armeey Shabaab u roonaayeen Kismaanyo!!! Faallo
OPINION / FIKRAD | Kismaayo waa halbowlihii iyo isha dhaqaalaha ee Al-Shabaab, waana in laga saaraa, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa Kismaayo loo qabanayaa, qabashada Kismaayo dhiig badan ayaa ku dadaadanaya, Shabaabka Kismaayo waa ka baxeen, Idaacaddii Al-Andalus ee Shabaabka ayaa Kismaayo dib uga howlgashay, xalay saqdii dhexe ayay Shabaabku ka guureen magaalada Kismaayo iyo hadallo kale oo isbarbar ordaya ayaa ka soo bixi jiray xaalada magaalada Kismaayo kahor intii aanay ciidamada huwanta si rasmi ah ula wareegin gacan ku heynta magaaladaasi.
Haatan oo ay dhowr usbuuc oo kaliya ka soo wareegtay la wareegitaankii magaaladaas ayaa hadal heynta cusub oo ay yeelatay degmadaasi waxa ay tahay “Kismaayo waa in maamul degdeg ah loo dhisaa, qarax ayaa Kismaayo ka dhacay, howlgal dad lagu soo qabqabtay ayaa ka soconaya magaala xeebeedka Kismaayo, Dowladda Federaalka waa inay hoggaan rayid ah u dhistaa magaalada Kismaayo, Kenya faragelinta haka deyso magaalada Kismaayo, maamul u sameynta Kismaayo Dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho laga sugimaayo, shir looga hadlayo arrimaha magaalada Kismaayo ayaa ka soconaya magaalo hebel, IGAD ayaa Kismaayo maamul u sameyneysa” iyo ereyo kale oo kuwaasi la mid ah ayaa hareeyay marxalada cusub oo ay gashay magaaladaasi.
Hadaladaan iska soo horjeeda oo aan wax dan ah ugu jirin shacbiga reer Kismaayo ayaa ah kuwo walaac fara badan ku haya muwaadin walba oo Soomaaliyeed, maxaa yeelay haddii ay sii socoto kala jiid jiidashada magaalada Kismaayo waxaa hubanti ah in dadka degmadaasi lagu kor dagaalami doono, halkaasina uu ka bilaaban karo dagaallo faraha looga gubto oo aan la ogeyn waxa ay ku dambeyn doonaan.
Sida xaqiiqda ah maanta ama xilligaan la joogo shidada (Dhibaatada) magaalada Kismaayo ma yara, xal u helisteeduna ma sahlana, waxaana hubanti ah in degmadaasi ay waqtigaan ku fooraraan indhaha dad isugu jira Soomaali iyo ajnabi, kuwaasi oo aan isku aragti ka ahayn sida laga yeelayo mustaqbalka magaaladaasi, waxaana muuqanaya in qolo walba ay xusul duub ballaaran ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd maamulka ka dhalanaya halkaasi ama cidii ay dooneyso ay u hor kici lahayd maamulkaasi.
Ilaa iyo in ku dhow labaatameeyo beelood ayaa la sheegaa inay Kismaayo kulmiso, waxaana ka mid ah: Ogaadeen, Mareexaan, Majeerteen, Mushunguli, Cowrmala, Shambare, Baajuun, Giirgiir, Wardaay, Biyamaal, Sheekhaal, Gaaljecel iyo beelo kale kuwaasi oo uu ka dhaxeeyo loolan xagga awooda ah iyadoo iminkaba ay beelahaasi bilaabeen inay isbaheysiyo iska soo horjeeda sameystaan.
Inkastoo gobolada Soomaaliya aanay wax sidaasi u weyn kala rooneyn hadana waqtigaan la joogo bugcadda ugu kulul ee Soomaaliya ka jirta waa magaalada Kismaayo, taasi oo ay u muuqato inay dul haganeyso daruur colaadeed oo ka dhalan karta kala fikir duwanaanshaha ku kala dhex jira beelaha wada sheeganaya lahaanshaha magaaladaasi.
Waa nasiib darro aad u fool xun in dadka reer Kismaayo oo ka soo daalay xukunkii adkaa ee Al-Shabaab in haatan loogu daro in dushooda lagu gorgortamo, iyadoo ay isku heystaan siyaasiyiin, hoggaamiye kooxeedyo iyo shaqsiyaad kale oo shisheeye iyo Soomaaliba leh mid walbana uu leeyahay dano isaga u gaar ah.
Baahida keentay in qabaa^iladu ku tartamaan maamul u sameynta Kismaayo waxaa ugu wacan maqnaanshaha dowlad Soomaaliyeed oo awood badan, waxaana xaqiiqo ah in burburkii Dowladdii marxuum Maxamed Siyaad kaddib inaanay marnaba xasilooni helin magaaladaasi, waxaana marba degmadaasi la wareegayay qabiil huwan magac gaar ah oo uu sameystay, kaasi oo dib u dhac mooyee aan wax faa^iido ah u horseedin caasimad goboleedkaasi.
22-sano kaddib haddi dagaal sokeeye iyo habar wacasho qabiil lagu soo dhex jiray, waxaa xilligaan la gudboon dadka reer Kismaayo inuu caqligu u talsho, isla markaana ay meel qura isugu keenaan xal u helista iyo maamul u sameynta magaaladaasi, haddii kale arrinta Kismaayo waxay noqon doontaa KA DAR OO DIBI DHAL, maxaa yeelay haddii aan laga korin sheegashada in qabiil walba uu isugu ku badan yahay magaaladaasi, waxaan shaki ku jirin in si degdeg ah la isugu dhici doono, halkaana uu ka curan doono dagaal dambe oo aan wax dan ah haba yaraatee ugu jirin shacbiga magaaladaasi.
Cabsida ugu weyn ee xilligaan laga qabo magaala xeebeedka Kismaayo waa dagaal beeleedyo cusub inay ka qarxaan, waxaana la saadaalinayaa haddii ay taasi dhacdo inay arrinta Kismaayo u ekaan doonto halku dhiga qormadaan oo ah “KISMAAYO ARMEY SHABAABKA U ROONAAYEEN”, maxaa yeelay xilligii Shabaabka Kismaayo xukun kastaba haku hoos jirtee hadana kama aysan jirin is heys-heysad siyaasadeed iyo dagaal beeleedyada hadda laga cabsi qabo inay ka dillaacaan magaaladaasi.
Waxaa Qoray:
Jabriil M. Nor (Jabra)
____________________________________
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
Ayaanle
on October 12, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
Kismaanyo waa dhul somaliyeed soomali oo dhan ayaana degta waxaana lagu qeybsanaa 4.5. Midda kale Kenya ma laha dhulka oo dhul somaliyeed marka kenya raali ha ahaato anaga dhul ay boobto uma heyno. Midda adeerow reer ksmaayo ma tihide orod oo Pintland iyo meelihii aad ka timid aad. Haddii aad is leedahay kenya ayaa kismaanyo iddin hey karto taasi waa riyo maalmeed dhul ninkiisi baa iska leh.
A s c salaan kadib ninka qormadaan qorayoow kismaayo iyo muqdisho keebaa qarax badan ama dagaal iyo iska hor imaad iyo dil iyo kufsi badan ama bur bur iyo ismiidamin badan Ayada ooy satahay hadana lagama hadlo ee waxaad marwalba ka hadashaan arin kismaanyo tankale bal suaashan ka jawaab hadad tahay nin dhulka yaqaano Habargidir jareer shaanshi iyo Abgaal kee baaleh muqdisho War kismaanyo wa nabad balana kama jirto ee danayo yesha hadii kale wan ka go aynaa somaliya oodhan Tankale wax mamul ah oon muqdisho noga iman karaa majiro ayadaaba teda haystaa muuqdisho ninki tisa kenaa tudadow keno