Mudac iyo Maxaar mid ba meel ku roon!!

C/salan Xuseen Cumar (Joker)

Waa murti leh micno fac weyn taas oo qof waliba qalbigiisa ku soo dhaceysa marka uu maqlo murtidaan oo kale in wax waliba aay meel ku haboon yihiin, sidoo kale dadkuna waa sidaa oo qofba meel ayuu ku haboon yahay, Mudac iyo Maxaar waa labo agab oo wax lagu tolo, mid walibana wax buu ku fiicayahay mathalan mudac laguma tolo saliga ee waxaa lagu tolaa maxaarka.

Sababta aan u leeyahay taas waa mid hada ka muqata siyaasada dalka oo aay hada muqaneyso in wax badan oo la qalday aay hada soo hagaagyaan, iyadoo qof waliba loo igmi doono mustaqbalka dhaw waxii uu ku haboonaa micnaha in aan geeleey loo igman inuu Soomaaliya u qaabilsanaado xiriirka caalamigaa kkkkk, balse badalkeeda la raadiyaa qof leh aqoonta siyaasdaha caalamigaa wax badane ka’og isbabadalka diplomasiyada caalamigaa.

Waxaa tusaale kaaga mudan oo murtidaan gogol xaar u ah sedexda nin ee ugu sareeyso dowlada hada jirta oo u muuqda in nin waliba uu leeyahay taqasuskii looga baahnaa marka aay timaado xaaladaahaan oo kale uu u baahan dad wax kataro oo xallin karo meesha eey ka qurunsantahay xaaladu.

Tusaale madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu soo bartay cilmiga maamulka waana mid wax badan ka yaqaan hey’adaha caalamigaa iyo sida loola macaamilo aduunka waana aqoonyahan wax badan ka fahmi kara sida looga faa’iidesto ardayda iyo aqoonyahanada uu dalku leeyahay ee aan jaanis u helin ineey wax ka badbaadiyaan dalkooda.

Halka Ra’iisul wasaare Cabdi Faarx-na uu soo bartay cilmiga dhaqaalaha isna waa ganacsade ku xeel dheer habka loo maareeyo dhaqaalaha soo xarooda iyo kan ka baxaba, iyadoo gudoomiyaha Baarlamaankuna uu soo bartay Qaanuunka marka hadeey wadashaqeyn wacani dhex marto waxaa la filayaa ineey wax weyn ka qabtaan xaaladaha cakiran ee ka taagan dalka, waliba qaanuunka iyo hogaanka iyo dhaqaalahu waa sadexda taqasus ee dhibaatadi ba,ani ka taagantahay.

Marka hadii  sedexdaan oo kale la helo iyana wasiiro sidaan oo kale leh taqasusyada loo dhiibaayo waxaa la heli karaa xukuumad tayo leh lehna waxyaabihii looga baahnaa, taas oo awood u yeelan karto in qof waliba waxuu qabto lagula xisaabtamo lakin hadii loo dhiibo howsha qof aan laheen qibradeeda weey adkaaneeysa isna sida loola xisaabtamo ileen maba yaqaan waxa laga rabo iyo waxa ka reeban waana taa tan aay murtida bilowga muuduucaani aay tilmaameyso.

Waxyaabaha isha lagu wada haayo ee laga sugaayo xukuumada cusub waxaa ka mid ah bal qofka loo dhiibi doono jagooyinka kala ah Gaashaan dhiga oo looga baahanyahay ineey tayeeyso ciidanka Soomaaliya oo dib u dhac xoogan haleelay tan iyo markii aay burburtay dowladii dhexe , hadii la helo marka ciidan tayo leh ee wax ka qabto amni xumada jirta waxaa imaan kara dhamaan Hey,adihii iyo ganacsigii ka jiray soomaaliya, sidoo kale jagada Maaliyada oo iyana looga fadhiyo Ra,iisul wasaaha inuu u soo magacaabo qof iyana leh aqoonteeda taas  oo badali karta dhibaatada musuqmaasuqa oo cuuryaamisay howlahii dowladihii hore, waxaa kaloo iyana loo baahanyahay jagada arimaha dibada oo iyana laga maarmaan aay tahay in loo helo qof aad ugu xeel dheer ka xariiftanka siyaadaha aduunka oo saacad waliba is badali karo waxaa loo baahanyahay qof aad ugu xeel dheer, iyo waliba jagada arimaha gudaha oo looga baahanyahay qof isku xiri kara amaanka, dhaqaalaha, laxisaabtanka Hey’adaha caalamigaa ee imaanya gudaha dalka.

.

Waxaa qoray: Abdisalam Hussein Omar ‘Joker’ | salaanyare18@hotmail.com

Xasiifka Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 12, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.