Qaybtii 18aad ee qisadii: ”Ila OOY!!!”

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) | Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?’

Jaqaftii qofka waa soo dhawaatay, meel luuq ah ayaan galay anoo sugaayo qofka iyo meesha uu u socdo, talaabo iyo barafoon gabdheed ayaa i soo gaaray, waana dareemay in ay tahay xogheyntiisii, oo si toos ah u abaartay armaajooyinkii aan furfurayay daqiiqado ka hor, kana soo baxsatay wax ay ka rabaty, ayadoonan meelna fiirinin ayay  ka baxday albaabka! Neef weeyn ayaa iga soo go’aday. Goor qayr leh aanan isku soo marsanin barafoon, oo xoghayaasha dumarka ah aad beey u sandheeryihiin, inkastoo aan ku jeclahay sida ay u aaminsanyihiin in waxkasta ay sidoodii yihiin, oo aysan aniga sida dabeecada  shaqadayda tahay  meelkasta iska fiirinin. Waa soo dagtay anigoo wato masawiradii,  warqadii,iyo  masawiro kale oo badan.

Fadhiga ayaan imid, oo telefan qaatay si aan waco Sumayo, oo iskugu mashquuliyo,.Saaxiibtay kaligeed ayaa timid oo Liibaan hawl ku soo mashquulisay, waan u sheegay in aan soo helay wixii aan rabnay, oo aan bixi karno mardhaw. Waa noo yimid asigoo sidii u ah farxaan, waxna ka maqneeyn, alxamdulilaah, waxaan uun rajeeynaa in aysan kaamerad i fashilin meelahaa ugu dhegen!! Naxtin badan ayaan habeenkaan kala tagay gurigaan, oo ninkaan cidda ka dhuntay waa Bile iyo hooyadiis, kuna qasabtay inuu dilo aabahiis xataa, yaab badanaa, aniga qiso murugo ah lee miyaa noloshayda tixane looga dhigay?.

Ka waran hadii Bile ogaa inuu jiro wiil walaalkiis ah, oo argagixiiso iyo wax baas ah, sidaas darteed iskaga dhaqaajiyay, una beeniyay anna aan aqbalay oo ka kaco bari Liibaan oo kor taagan? Ka waran hadi sheekadaan oo dhan ay tahay filin ay CIA i soo sameeyeen oo nagula qiyaamaayo, laguna rabo in qob kale naloo tuuro?  Waxaas oo dhan waxa iiga sii daran farxada iyo qosolka ka muuqdo saaxiibtay, inkastoo ay diidantahay in ninkaan  wax uun dareen ah u heeyn karto, ama wax uun ka rabi karto ama lamaanane u noqon karto. Laakiin waa su,aale  hadii aan ahan lahaa ayada maxaan sameeyn lahaa? Nin sidaas ii koolkoolinaa wax ka maqana ayasan jirin  oo aan ka  aheeyn qof lamaane u noqoto , ii jajaban, jinigayga wato, dhinackastaba ka dhameystiran! Ma ogi, hadii ay ogaan laheeyd inuu yahay dilaa waalid,  dilaa shacab, ku baxshay lacag in caruur iyo dumar la dhameeyo, ma fiiriseen xataa? Laakiin ma jiraa jaaniska ah inuu qof is bedelo uu noqdo qof kale? Ma dhici kartaa? Nin militari ah dilaa ah weliba sharciyeysan ma guursan lahaa aniga? Bile haduu ahaan lahaa ama noqon lahaa dilaa sharciyeysan ma jeclaan lahaa? Ma ogi, waxaanse hubaa in aan dooraan laheeyn hadii aan doorasho leeyahay oo damiirkayga i siin laheeyn in aan la noolaado qof isku ogolaaday inuu dilo qof kale oo nool, asigoonan ku qasbaneen.

Muxubo waa baxday oo asbuuceedii waa dhamaaday markiiba, kuna laabatay Mareykana, alxamdulilaah, oo waxaan ku riyoonaa in ay ninkaan halkaan kaga tagtay oo igu soo qaadin warkiisa danbe. Aniga iyo Liibaana sidii ayaan bilihii ku xigay u soo taagneen oo marba meel ugu soconay rajadeeynuna aheeyd  in Bile hadlo, na arko, noo jawaabo maalin uun. Bishii sadaxaas oo sariirta jiifay ayeey dhaqaatiirta ku gaareen go,aan in laga furo mashiinka uu ka qaadanayay neefta, oo lagu qasbo ama la fiiriyo inuu kaligiis neefsan karo. Arintaas waa ku guuldareeysteen, oo dib loogu celshay mashinkiisii.

Hadane asbuuc kadib waxeey gaareen go,aan ah in loo fasaxo inuu dhinto hadii uusan isku filneeyn, loona wareejiyo qayb lagu haayo dadka Bile oo kale maskaxdiisa joogto laakiin aan nooleeyn, oo u baahan in xataa neefta la siiyo. Arintaan aniga iyo Liibaanba waa diidnay, oo Liibaan anigoonan waxba wareeysan ayuu keenay garyaqano /looyaro kuna cadaadiyeen isbitaalka in ay dib ula laabtaan warkaas, lagana furi karin waxba inta maskaxdiisa shaqeeyneeyso, wixii hada ka danbeeyana uu bixinaayo lacagta ku baxeeyso sariirta uu jiifo iyo daawooyinkiisa. Illaaheey amarkiis, goor qayr leh ayaa ninkaan la i soo diray yaah?. Wixii Illaah qoro ayaa dhacaayo, laakiin caalamka aan mantay ku noolnahay lacag ayaa ka taliso, qofka iyo qiimaha u ku fadhiyo micna ma sameeynayaan.

Liibaan hadii uu yahay cadaw  soo ma arkeen daciifnimadayda oo kama faaiideysteen? Soo iguma qasbi laheeyn in aan u ogolaado inuu  yahay walaalkiis oo leeyahay xuquuq oo wax ku go,aansado? Ad buu u xiiseeynayay inuu ogaado waxkasta ee ku saabsan, hooyadiis Sacdiyo, Bile iyo caruurtiisa. Wax badan baan ka sheekeeysanay sida nolosheena ku aheeyd Soomaaliya, iyo Inagriiskaba. Aad ayuu ula yaabay walaalkiis, iguna yiri: “ Waan fahmi karaa marka aad hada ka sheekeeysid nolol maalmeedkiisa qiimaha aad isku laheeydeen! Waad nasiib badanyahay Fartuuneey, ka waran hadii aad guursan laheeyd nin kasta ee soomaali ah? Saacadaan qoftaan ma aadna ahaan laheeyn, asigana ma badbaadi laheeyn maantay waa wax aan hubo!” Waa ku qoslay, waxana gelay sheeko, waxaana iigu soo dhacday qisadeenii hore ee London naga soo tuurtay iyo guurkeenii Bile iyo aniga.

Bile waxuu hooyadiis ka balan qaaday inuu ku guursaneeynin Soomaaliya oo nabad ka jirin, kuna dhaleeynin wax caruur ah, laakiin inta taa la  gaaraayo arintaas, ay u ogolaato inuu la joogo. Hooyo Sacdiyo arinteedii waa la timid markii ay hubisay meherkeeniiba, oo noo wada wacday, maadaama aan ahaa  gabar xiligaan si sharci ah ugu doonan Bile , mustaqbalkiisana ii saameeynaayo. Arintii ayeey noo sharaxday, nagana tagtay, si aan anaga si xoriyad ah ugu wada hadalno,xiligaa ma nagu jirin qof hadli karo, qaas ahaan aniga oo danbiile weeyn in aan ka ahay agteeda isku arkaayay madaama aan ku qasbay nin ay necebtahay inuu meherka wiilkeeda ka soo qayb galo, dibna ay u aragto ninkii dhibaateeyay oo ah wiilkeeda aabahiis. Wuxuuna Bile igu yiri: “ Maxaan sameeyn karnaa macaanto? Hooyo danteena waaye waxa ay sidaan dhan iskugu howl gelisay…!” Waxaana ku iri anigoo aad uga xanaaqsan inuu iga qarshay: “ Haa, wax la sameeyn karo ma jiro haye? Inta aad i taqaanay oo dhan maantay ka hor guur ma iga rabin soo ma ahan? Adiga intaas oo sano ayaad ogeeyd in aad dalkaaga iyo hooyadaa ka tagi doontid.

Laakiin aniga daqiiqadaan ayaan ogaaday, mana kaa yeelaayoo i raac. Waqtiga aad u baahantahay oo kale ayaan u baahanahay si aan ugu kalsoonaado in aan dal islaameed kuu noolaanaayo, oo waalid iyo walaal ii joogin. Adiga maxaa ii tahay ani? Ka waran hadii aad danahaaga raacatid inta aan kuu raaco dal gaalo? Doqon ma ihi ani, adiga iyo hooyadaa qorshahiina ma fahmin, mana igu soconaayo…. Waxa aad u sheegi laheeyd diyaarso, maxaayeelay ani lama hadlaayo, mana u sheegaayo hooyadaa , hada ayeey qaati iyo nus iga taaganahay….!” Qosol ayuu kursigiisa kala dhacay, asigoo leh: “ Ooheey oh… oo hada aniga ayaaba iga cabsanee? Oo in aan dal islaameed ku geeysto oo nolosha kugu ciqaabi rabo ayad istustay yaah? In aan nin waalan ahay calaamadeeda adigaa ah…. Sideen u jeclaaday oo kuu aaminay? Qof aan igu kalsooneen… sidee naftaada ugu bandhigaa wax aan tayda u ogoleen?!”. Aniga madaxa xanuun iyo wareer aya isku kay  darsamay.

Sideen ugu sheegaa waalidkayga iyo walaalahay in aan raacaayo ninkaan hada la isku keen mehriyay, oo sida uu u joogay la yimid dal gaalo aan u guureeynaa? Hooyadiis ayaa soo laabatay ayadoo cabitaan cusub wada. Waa istaagnay oo ka qaadanay, waa dareentay in arin qasantahay, sida in ay maqleeysay fekerkayga iyo sheekada na dhex martay ayeey tiri: “ Waa dareemi karaa in arintaan adagtahay, laakiin sida uu u qadariyay balanta aad ka gashay aabahiis, ayaad uu qadarinee balanta uu ka galay hooyadiis, Fartuun is deji, Bile waa ku jecelyahay, taasna sida hooyadiis oo qalbigiisa qof iiga dhaweed aysan jirin ayaan u aqoonsanahay. Waa uu bisilyahay inuu ku hanto, waxa aad tijaabo iyo howl nolosheena gelisayna ma jirin gabar gelisay. Mid waa macquul, oo asiga inuu ka sii hormaro arooskiina kadib uu baxo, tago Ingariis, oo kuu soo dacwoodo, oo aad halkaas ku wada noolataan!”. Aniga maa waalan oo nin baxaayo aroosaayo? Meherka ayaanba qaati ka taaganahay, oo naxtin igu haayo, inkasto aan ogeen waxa iga dhumiyay kalsoonida aan waligay ku qabay hada.

Aniga bil ayaa ii hartay oo la iga rabay in aan isku diyaariyo nolol cusub ee dal gaalo ka bilaan doonto iyo arooskeena, walwal iyo naxtin aan kala go,in ayay igu noqotay . waxaan Illaah amarkiisa wada sheekeeysanay saaxiibtay oo igu tiri: “ Doqoneey adiga maxaa kaa qaldan? Feker! Ma waxaad ka yeelee in  aad ku aqal gashaan guriga hooyadiis, kadibna isla guurtaan? Ka waran hadii aad uur yeelatid? Ma gaareeysid riyooyinkaaga, hooyo gurii joog ah, oo asiga waxuu rabo u sheego lee noqonee. Asiga ha tago London, ha idin dhiso nolol wanaagsan.

Guryo islaameed iyo saaxiibadiisa guryahooda ku dhashid ma ku anfaceeyso! Waqti ayeey qaadan kartaa fiiso dalkaas la inka siiyo, shaqo aad heshaan, adiga aad qaadatid shahaado jaamacadeed, guri yeelataan, masa soomaalida camal aad tuugsi ugu socotaan dalkaa gaalo, oo waxa ceeyrta dhahaan qaadaneeysaan? Ninkaan asigoo isku filan, kugu filan ayaad guursatay, waxaana ku dhihi lahaa ha gelinin xaalad oo isku quursado oo waxuu yahay ku naco, aqoontiisa iyo qibradiisa ku tirtirmato, ma sii ahaan doono ninka aad hada ku faantid oo qofkasta ku riyoonaayo hadii London aad wada tagtaan adinkoo gacma maran, ma u adkeeysan kartid in aad guri soo wada fadhisaan, ee runta qaabil inta aad leedahay awood aad wax ku go,aansan karto gefto! Waxaa kuu fiican hadii aad talo iga rabtid in aad ninkaan dirto kaligiis, kaana soo hagaajiyo waxkasta, adigana  aroosad lee adigoo ah ka daba tagtid! Hee, buuq maxaa keenay?  Iyaah…!” Feker ayaan galay inta aan warkeeda  dhuuxaayay.

Yaah, uur ku yeelo guryo islaameed ee cunug ku dhal aa ? Maya, lalabo waaye warkaas alaheey ka alle . Isla habeenkaan weerar ayaan qaaday. Kulankaan kuwii hore waxuu kaga fiicanyahay, in Bile uusan dareemi karin in aan si uun qorshe kale u leeyahay, oo garabkiisa ayaan ku jiifaa, qaladii aan ka qabay taabashadiisa guud ahaan waa iiga baxday, maadaama aan markaan bil isku mehersanahay. Waxaana ku iri: “ Waa ogahay wax badan ayaan kaa codsanaa markasta macaane… laakiin adiga waligaa wax ma iga codsanaysid maxeey ku dhacday xabiibi taasi  ?” Inta ii dhoolacadeeyay oo sujuuda iga dhunkaday ayuu igu yiri: “

Wax aan kaa codsan karo ma jiraan qalbi, maxaayeelay waxkasta anoonan codsanin ayaad i siisaa. Ma u jeedid ninka caalamka ugu nasiibka badan ayaan ahay! Gacaliso aan u baahneen in waxa aad rabtid aad u sheegtid, oo fekerkaaga aqrineeyso waa waxa nin kasta ku riyoodo, waana heeystaa, maxaa iiga maqan oo aan kaa codsan karaa marka macaanto?….!” Waxaana ku iri: “ Waa mahadsantahay gacaliye…. Laakiin aniga codsigayga ma dhamaanaayo! Waan ogahay in ay ku dhibeeyso, oo aad igu neci kartid xataa, laakiin waa kuu sheegaa iga dhageeyso, ama diid ama yeel go,aankeeda adigaa iska leh…!” Waxaan u sheegay in aan ku qanacsanahay in aan joogo Muqdisho, inta uu asiga nolol aan ku wada noolaan karo nooga diyrinaayo, anna aan sugaayo oo aan ahaan doono diyaar maalinka uu diyaar u noqdo in aan lamaane ku noqono London, inta sano oo ay doonto ha qaadato.

Wuu aamusnaa cabaar, labadayda gacmood kuwiisa ayuu  ku haayay, oo indhaha iiga fiirinaayay daqiiqado, waxuuna igu yiri: “ Waa iga saxantahay, in aan labadeena wadda tagno dal islaameed oo waxba noogu diyaarsaneen waa laga fiicanyahay macaanto. Balan waaye in aan sida ugu dhaqsiyaha badan iskugu imaano, laakiin mid ii balan qaad, waa in aad igu kalsoonaaneeysid, oo aadna maqleeynin qof aan aniga aheeyn warkiisa, rag iyo dumarba, hadii lagu dhaho waa dhintay Bile, adigoonan meydkayga arkin aadna aqbaleeynin in aan dhintay… hadi lagu dhaho waa ku furay laguu keeno boqolaal warqadood aadna aqbaleeynin balan miyaa?! Maxaayeelay ma u adkeeysan Kari in aan dareemo anigoo kaa dheer in shaki kugu jiro, oo dad waa shaydaane been nagu kala wadaan!”

Waxaan ku iri: “ Hadii aad intoo kale ii balan qaadeeysid haa, waa kuu balan qaadaa. Iskana jir maalinka aad balantayda ka baxdid oo gabar kale igu garab  wadid  ama ku riyootid xataa in aad ila guursatid….!” Bile waa dadka neceb sadaxeeyaha, oo nolosha jaceyl ee lamaane u arka wax muqasad ah, oo uun laba ka dhaxeeyso, hadane ani  ma hilmaamo inuu yahay nin ku soo dhex koray bulsha aan jaceyl iyo nolol lamaane u heeynin qaddarin, waanada iyo wax u sheegisana kama daalo, maxaayeelay ma rabo in aan ku qasaaro, waana wax uu ogyahay hadii aan ka tagaayo in ay tahay halka sabab oo aan kaga tagaayo, oo aan iskaga xaaraatinimeeyn doono jaceylkiisa iyo ragganimadiisa. Waxaan u baranay xataa hadii aan isku xanaaqno in aan isku imaano, oo is raali gelino, weli xariirkeena labadaas sanno kama dhex dhicin in aan baahinay in aan kala tagno, inkasto aan marki ugu badnaa kala maqneen sadax malmood oo aan isla hadlin xataa, hadane qofkeena kuma dhiiranin inuu horay u socdo, wuxuu diyaar u ahaa  inuu qofka kale raaligeliyo,  asigoo xataa dulmiga laheeyn isa saaro dulmi, si uu u dareensiiyo qofka kale taageero iyo jaceyl. Rabitaan la’aan iyo cabsi badan kadib waa kuu guleeysanay, in aan Bile kaligiis dirno, ayadoonan wax aroos ah la sameeynin. Waxeey qaadatay hal sanno inuu nolol cusub noo soo dhiso ee ii soo dacwoodo oo aan helo ogolaasho aan ku tago London. Waxuuna soo jartay tikid, oo ku soo laabtay si arooskeena meel waalidiinteena joogaan ugu dhaco kadibna aan israacno.

Dad badan wax ay la yaabaan ayeey noqotay, oo sugaayay inuu ayraboorka iga soo dooni doono Bile, laakiin in aroosadiisa kaligeed soo safarta wax aan u cuntamin ayeey la noqdeen, oo asigaa iigu yimid Soomaaliya, dalxiiskeena dheeraa ayaana halkaas ka bilawday iyo noloshii riyada aheeyd ee tobanka sanno jirtay!……………………

Aqriste la soco qaybta danbe ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan:  samsam_1989@hotmail.com

12/10.2012 W/Q Ifraax Y. Ciyow

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.