Dad Baydhabo lagu xirxiray

Lixdan qof ayaa lagu xiray howlgallo ammaanka lagu sugayay oo xalay laga sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika (AMISOM).

Dadka la xiray ayaa su’aalo lagu waydiinayaa saldhigga booliska ee magaalada Baydhabo.

Baaritaannada ugu badan waxay ciidanku ka sameeyeen xaafadaha Isha iyo Horseed iyo magaalada Baydhabo oo lagu tuhmayo inay joogaan dad ku lug leh falal amni-darro oo la shaqeeya maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii uu habeen ka hor qarax ka dhacay agagaarka Afar irdoodka magaalada Baydhabo, kaas oo la sheegay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay, balse ma jirto cid wax ku noqotay.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaalia

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.