Wararka laga helaayo garoonka diyaaradaha Balidoogle ayaa sheegaye in galabta uu halkaa dagaal ku dhexmaray ciidamada dowlada ee dhawaan saldhig ka dhigtay halkaas iyo ciidamo ka tirsan Alshaab, iaydoo uu halkaa ka dhacay dagaal qaatay mudo saacad ah .
dagaalka ayaa waxa uu ka dhashay ka dib markii sida la sheegay aay ciidamo ka tirsan Alshabab aay weerar ku soo qaadeen meel ku dhaw fariisin aay ciidamada wada jira ee Amisom iyo kuwa dowladu aay ku leeyihiin garoonka Balidoogle kaas oo noqday xarunta ugu weyn ee Amisom aay ka degtay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolada shabeelooyinka dhexe iyo hoose.
Ilo dhanka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalada oo ahaa kuwo xoogan la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan kuwas oo aay ku jiraan qoryaha booba iyo gantaalada garabka laga rido, iyadoo la xaqiijiyay in ilaa afar ruux ay ku dhinteen oo dhamaantood ahaa ciidamadii dagaalamay.
Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ku qaadeysay goobaha lagala wareego,xili afhayeenka Amisom uu sheegay in aay furayaan dhamaan wadooyinka isku xira magaalooyinka wa weyn ee Soomaaliya, iyadoo Garoonka diyaaradaha Balli-doogle uu istiraatiiji u yahay Ciidamada Amisom.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaliya
___________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login