Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaare geestay oo xalay ka dhacay Xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii Magaalada Nairobi dalka Kenya.
Inkastoo aan la shaacin qaraxa koowaad waxyeelada uu geestay ayaa hadana durba waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya halkaasi oo iyana qaraxa labaad uu ka dhacay.
Qaraxa labaad ayaa waxaa lala eegtay markii ciidamada Booliiska ay soo gaareen goobta qaraxa koowaad uu ka dhacay waxaana la sheegay in halkaasi khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray ciidamada Booliiska.
Inta la xaqiijiyay saddex askarta kamid ah oo uu kujiro taliyaha hogaaminaaye ciidankaasi ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi halka aysan jirin wax dhimasho ah oo lasoo wariye.
Qaraxa kadib Booliiska Kenya ayaa waxa ay bilaabeen howlgal baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen cidii ka dambeysay qaraxaasi.
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr mar kusoo noqnoqday qaraxyda caynkan oo kale ah oo lala eegto goobaha muhiimka ah ee dalka Kenya.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya
___________________________________________________
![]() |
You must be logged in to post a comment Login