Kulan looga hadlayay Sugida amaanka magaaalada Kismaaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose ayaa xalay waxaa Kismaayo ku Yeeshay Saraaakiisha Ciidamada Dowladda kuwa Raas kambooni iyo kuwa Kenya ee AMISOM Qaybta ka ah ka dib markii ay Shalay maamul KMG ah u Sameeyeen.
Generaal Saxardiid ayaa waxaa uu sheegay in Amaanka Sidii loo sugi lahaa ay ka wada hadleen saraaakiisha Xalay Kulanka Yeelatay ayna Go.aaan ka gaareen arintaasi.
Dhinaca kale waxaaa ay shaaciyeen saraakiishu Magacyada 12 Ruux oo Shalay lagu dhawaaqay in ay si KMG ah u sii hayn doonaan Maamulka Magaalada Kismaayo.
Waxaa ay kala yihiin Magacyadoodu sida tan .
Gen.Ismaaaciil Saxardiid oo loo Magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Amniga
Muuse gab oo isna loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga maaliyada
Xaaadhuun oo isna loo magacaabay Gudoomiye Ku xigeenka ahna Maareeyaha Dekada .
Cabdi Naasir Seeraar oo Isna loo Magacaabay Gudoomiyaha Arimaha Bulshada .
Aw yuusuf oo isna loo magacaabay Gudoomiyaha Arimaha samafalka .
Macalin xaashi isna waxaaa loo magacaabay Ku xigeenka Arimaha Samafalka
Gudoomiyaha garsoorka Xujaale
Ku xigeenkiisana Axmed Carab .
Xubnahaan maaamulka Kismaayo loo Magacaabay ayaa waxaa ay Maamuli doonaan magaalada Kismaaayo Mudo Bil ah iyadoo ka dibna Maamul Buuxa loo dhisi Doono Gobolka Jubadda hoose.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya
___________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login