Kulan su’aalo lagu waydiinayo guddoomiyaha gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay.

Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa 11-kii bishan October, 2012 maalinimadii khamiista ahayd ka dhacay kulan balaaran oo bulshadu ay su’aalo ku waydiisay guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shabakacada warbaahinta ee Puntlandi.com, waxaana ka soo qaybgalay xubno farabadan oo kala matalayay Dhalinyarada gobolka, Ardayda jaamacadaha, Ardayda dugsiyada Sare, Sportiga gobolka Mudug, Aqoonyahanka, Culima’udiinka, Ururada Haweenka iyo waxgaradka qaybo ka mid ah si ay afkaartooda u muujiyaan, su’aalana u waydiiyaan guddoomiyaha gobolka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac.

Intii barnaamijkan uu socday waxay marti sharaftu su’aalo farabadan ka waydiiyeen gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Maxamed yuusuf jaamac tigey Nabadgalyada soo hagaagaysa ee magaalada Gaalkacyo, isbadelka xiriirka dadweynuhu ay la leeyihiin dawlad, arrimaha xisbiyada badan ee Puntland, Waxbarashada, Colaadaha soo noqnoqday ee gobolka, hawgalada ciidamada iyo hanaanka asluubeed ee Ciidamada, dhismaha wadooyinka Magaalada Gaalkacyo, Nadaafada iyo isbadelka xilli roobaadka iyo kuwo kaloo farabadan oo dhamaan la xiriira arrimaha bulshada.

Warbaahinta puntlandi.com waxay sidoo kale barnaamijkan intii uu socday fududaysay in ay guddoomiyaha u soo gudbiso su’aalaha qurba joogtu ay waydiinayaan oo ay ku soo direen cinwaanka webka Puntland oo iyaguna dhinacyo badan taabanayay.

Guddoomiyuhu wuxuu si waafi ah uga jawaabay su’aalahaasi dhinacyada badan leh oo u muuqday kuwo ay ka fakereen dhalinyarada iyo marti sharafta kale ee u badnayd aqoonyahanka gobolka, wuxuuna sidoo kale guddoomiyuhu soo dhaweyay talooyinka iyo afkaarta dadweynaha ee la xiriira hagaajinta maamulka iyo wax ka qabashada baahida dadweynaha.

Dhinaca kale waxaa barnaamijkan si toos ah uga qaybqaadanayay warbaahinta gudaha iyo kuwa Caalamiga ah ee afka soomaaliga ku baxa qaarkood waxaana si toos ah u tabinayay oo bulshadu ay ka dhagaysanayay intii uu barnaamijkan socday Idaacada Radio gaalkacyo, waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay oo tabinta barnaamijkan qayb ka qaatay Idaacada Daljir, Website-yada Allpuntland.com, Horseedmedia, Ceelgaws iyo Talevisionka Somali chennal.

Gudd ahaan marti sharafta kulankan ka soo qaybgashay waxay aad u soo dhaweeyeen barnaamijyada noocan ah waxayna warbaahinta puntlandi ku ammaaneen sida ay ugu dadaalayso, ugana shaqaynayso arrimaha bulshada iyadoo aad ula socota dareenka dadweynaha iyo waxyaabaha ay xiisaynayaan ee u baahan in laga hadlo.

.

Omar Ahmed Mohamed Afguduud | cumaryare_147@hotmail.com  

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Gaalkacyo, Soomaaliya

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login