Meydad Kenyan ah oo laga helay Kismaanyo

Militeriga dalka Kenya ee ku sugan magaala xeebeedka Kismayo ayaa helay maydka 4 ka mid ahaa ciidamada Kenya iyo kuwa soomaaliya oo dhawaan lagu waayay howlgalkii lagu qabsaday magaalada Kismayo ee dalka Soomalaiya.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaarada gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa waxaa afhayeenka Militeriga dalka Kenya  Major Emmanuel Chirchir,  uu sheegay in 4 askari la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib dagaalkii Miido oo dhacay markii militiriga ay ku sii siqayeen magalada Kismayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mar la sheegay in la arkay iyaga oo maydka 4 askari ku jiidjiidaya wadooyinka Kismayo .

Major Chirchir Afhayeenka Militeriga Kenya ayaa barta uu ku leeyahay twitterka waxa uu ku sheegay in dadka Reer Kismaayo ay tuseen ciidamada goobta lagu aasay Maydadka Askartaasi.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login