Nin la sugayoow Adna yaad Sugi!

Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya

Waxaan doonayaa inaan halkan Farriin ugu gudbiyo Hoggaamiyaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaan leeyahay Mudane marka ugu horreysa waxaad oggaata inay dadka oo dhan kaa sugayaan waxaad u ballan qaaddey ee aay kugu doorteen, waana mid ay xaq kuugu leeyihiin oo aysan kaa martiyeen.“Nin xilqaadey eed qaad” xigmadii Soomaaliyeedna waxay ku fareysaa“Nin lagu seexdoow ha seexan, Xilbaad siddaa ha seexan”intaas ka dib waxaan Madaxweynaha habeenkii la doortey tiriyey maanso dardaaran iyo guubaabo isugu jirta oo aan Madaxweynaha kula hadlay “Maansadii Hambalyo” waxaa ka mid ahaa tuducyadan:

1. Hoggaamiye heedheh

2. Haddii Baarlamaanku

3. Codkooda hibaysan

4. Habsami kugu doortay

5. Hantidii qarankoo dh

6. Hormuudka u taagan

7. Haddaad tahay maanta

8. Hayaanka bilaabmay

9. Horseedka la gaaray

 

10.Hagaaji dhankaaga

11.Hannaanka dalkaaga

12.Halbeeg hadalkaaga

13.Hubsiimana raaci

 

14.Ha diidin wanaagga

15.Ha qaadin tallaabo

16.Hadhow lagu eedo

17.Halkay hadda joogto!

18.Horey u dhaqaaji

19.Ka haabso ujeedka

20.Habkuu qarankeenu

21.Hirkaa iyo caadka

22.Hubaal ku tegaayo

23. Hilaadi dhankeeda.

 

 

Waxaan mar kale iyada oo qoraal ah leeyahay Mudane Madaxweyne isbedelku yaanu noqon keliya, nin xilka ka degay iyo mid loo doortey, ee waxaa loo baahan yahay in isbedelku dhinac walba ka muuqdo, Ammaanka Dalka, Horumarka, iyo Hirgelinta wixii ka dhinaa Dowladdii ku meelgaadhka ahayd.

Talaabada ugu horreysa madaxweyne waa inaad maamulka gaadhsiiso Gobollada dalka oo dhan, Maamulku kuwa uu ka jiro iyo kuwa aan weli maamul loo samayn ee hadda gacanta cadowga ka baxay.

Waxaa ka dhacay kenya shir loogu sameey maamul ku meel gaadh ah Magaalada Kismaayo, Shirkaasi waa mid ay soo Abaabuleen labada dowladdood ee deriska ah, Kenya iyo Itoobiya, sidoo kalena waxaa la soo wadaa maamul goboleed ay soo sameeyaan labadaa Dowladdood Soomaaliyana aysan wax awood iyo talo ah ku lahayn, mana jirto ergo iyo cid wakiil uga ah Soomaaliya,taasi waxay u muuqataa inaysan Kismaayo ka mid ahayn Soomaaliya, sida ay ka dhawaajiyeen Ciidamada qabsadey, iyo maamulka hadda la magacaabey oo sheegay inaysan waxba taladeeda ku lahayn Dowladda Soomaaliya, balse caddeeyey in loo daba fadhiisanayo arrintaas Kenya taasi waxay wax dhimaale iyo weliba meel ka dhac weyn u tahay Dowladda Soomaaliya oo maanta aan ahayn ku meelgaadh dalka oo dhana Masuuliyadi ka saarantahay.

 

Madaxweyne dantaada dugsi lagama fadhiisto, Minankaagana marti lagama noqdee waa in aad talaabo sharciyeysan aad ka qaadato arrintan ku aadan maamul u samaynta J.Hoose , J.dhexe, Gedo , Sh. Hoose, Sh,Dhexe , Hiiraan, Galguduud,Banaadir, Bay iyo Bakool, Sidoo kale maamulada ka jira Gobolada dhexe ee muranku ka taaganyahay Maamulka Ximin iyo xeeb iyo Galmudug waa in Dowladdu wax ka tidhaahdaa , Ergo iyo guddi dhexdhexaadana loo diraa.

 

Dowladdaha Kenya iyo Uganda ayaa safarkii madaxweynaha waxay muujiyeen, arrin Soomaalidu ka biyo diidey, Kenya oo markii horreba Caleema Saarka madaxweynaha ka maqnayd, ayaan muujin Astaanta Soomaaliya Calanka markuu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud la kulmayey Madaxweynaha Kenya, taasi waxay ka turjumaysaa cadaawada iyo nacabka ku jira Kenya iyo sida cad e ay uga soo horjeedo Hoggaanka Dowladda Cusub, waa in Madaxweynaha iyo Dowladda Soomaaliyeedna ku abaalmariyeen sidaas oo kale, waxaan sidaa u leeyahay marka madaxi dalkeena imanayso laguma aamini hal calan ee waxaa ilaa waddooyinka lagu taxaa Calamada waddankaas, sidee bay suuragal u tahay in Calanka Soomaaliya laga waayo Xafiisyadii lagu qaabiley madaxweynaha? Yaase masuuliyadeeda leh? Ma tahay meel ka dhac iyo arrin quudhsi ku jiro mise?

Uganda ayaa iyaduna raacday isla dariiqii Kenya oo aan Madaxweynihii ay marti soortey Calankiisa iyo Sumadiisa , Madaxweynuhu jeebka kuma qaadanayo, Calanka Soomaaliya inkastoo ay mudantahay, In shaqaalaha iyo qaybta Anshaxa iyo hannaanka Madaxweynuhu iyagu ka hormaraan wixii ka khaldan goobaha Saaxafaddana ay saxaan oo ay haddii ay arkaan u sheegaan Madaxda kale in la keeno Sumada iyo Astaanta dalka balse may dhicin taasi waxaanan leeyahay Madaxweyne adiga iyo Xafiiskaaguba ku baraaruga waxaad meteshaan Dalkii oodhan, Codkaagu waa codka Soomaaliya , Muuqaalkaaguna waa muuqaalkii Soomaaliya, tallaabo kasto oo aad qaaddaana waxay ka turjumaysaa Soomaaliya , Sidaa awgeed waa in hubsiimadu badnaataa, Isla Maansadii Hambalyo ee aan Madaxweyna kula hadlayey waxaa ku jiray erayadan oo ka turjumayey Calanka iyo sida laga yeelayo ama Madaxweynaha uu ka mudan yahay:

 

Halyeey calankeena

Habaaska ka dhawr

Hoos yaanu u ciirin

Cirkaa sida heego

Ha fuulo buluugle

 

Arrintani waxay ka turjumaysaa dadbaa Calanka Soomaaliyeed u yaqaana, Maro ama Calal balse maaha Calanka Soomaaliyeed waa Suurradii,Sumadii , Sawricii iyo Sifadii umadda Soomaaliyeed wuxuu mudan yahay milgeeyn iyo ilaalin, Calankan rag baa u dhintay uu ka mid ahaa, , G/Sare Xalane ayaa wuxuu ka qeyb galay Dagaalkii dhex maray 1964 Dowladdii Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Aadan Cabdule Cusmaan iyo Xabashida waxaa dhacday in Halyeey Xalane dagaal ka dhacay deegaanka Wajaale oo amxaaradu soo weerartay oo ka mid ahaa ciidankii halkaas ka dagaallamayey Waxaa lay sheegay in Halyeey xalane sidey Calanka Soomaaliya ka dibna isagoo calanka Gacanta ku haysta dhaawac soo gaadhay oo aanu dhigin ilaa sidii xabad loola dhacayey isagoo calanka kor u haya oo diidey inuu dhulka taabto Calankaasi halkaasna uu ku geeriyooday, isagoo calankiisa ka dhawray in cadow dhinaca dhulka u dhigo,waana tan sababtay inuu loogu magacdaro dugsiga tababarka ciidanka qalabka sida,taariikhdana uu baal dahaba ka galo, inagana inooga tago deris aan wax ku baran karno.

 

Wuxuu yidhi Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc: isagoo la hadlaya Calanka iyo dhacdadii NFD ay ku wareejisay Dowladdii Cabdirashiid Cali Sharma arke ee uu Ra’iisalwasaaraha u ahaa, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal wuxuu yidhi abwaanku:

 

Calanyahow walhanayaa, adaan kuu waramayaaye;

Wadnahaygi baa lala bixiyo, wiiqi-bawdada’e;

Mid wasaaraddiisii gabtoo, weeranbaad-tahaye;

Laguu-waa wakiil sida jamaal, waabsha gaalada’e;

Wadankaad ku dheeraanlahayd, waa la-iibsadaye;

Raggii adiga waax kuu-lahaa, waa-la-weecsadaye;

nfd wareegeedanu, waa-horuu-dhacaye;

Waqooyi iyo koonfuriba, waw-wada-dhammaayeene;

Heeladiyo wiglada maalintii, lagugu waalaayay;

Waatay walaandeynayeen, ee waddacayeenne;

Goortii walaal-garabgaliyo, wehelba loo-waayay;

Haadkiyo waraabuhu ka-dhereg, walaqtankoodiiye

 

Maanta waxaa heerkii NFD taagan qadiyadida Jubbooyinka oo ay gacanta kula jirto Cadowgii Shalay qaatey dhulkeena , Haddaba mudane madaxweyne ha noqon, mid la eedo oo umaddu inkaarto, ee noqo mid ammaan iyo mahadinba muteysta , taladii dalku gacanta illaahay bay ku jirtaa , shacabkuse adiguu kuu wakiishay cidaad sugeyse ma ogi, waxaan ku odhan lahaa, “nin la sugayoow adna yaad sugi

 

Qoraalkayga waxaan ku soo afjarayaa haddaan nahay Shacabka Soomaaliyeed waxaan sugeynaa isbedelkii lagu baaqey, iyo waxay dowladda Cusubi ka hirgeliso balanqaadyadeedii, ninbaa marti u soo hoyatey markaasay weydiiyey war magacaa ninkii wuxuu ugu jawaabey “Looge” oo macnaheedu yahay marka marti timaad inuu muuneeyo , oo u xoola qalo, neefna u loogo, waxay martidii markay magaca maqleen ugu jawaabtay, “Loogoow Laguu minan fadhiye” haddaba Dowladdan Cusub waxaa looga minan fadhiyaa, inay fuliso waxii loo igmaday, inay dardar geliso dhamaan hawlaha dowladda looga fadhiyo, waqtigeedana ay ka faa’iidaysato.waxaan ku soo gunaanadayaa tixdan yar:

 

Gadhwadeenka Soomaalidoow, gunud ujeedkayga

Geyigeena Soomaaliyeed, godob ha gaadhsiinin

Ka gilgilo gufaacada xumaha, gocorku doonaayo

Ka gilgilo gumeysigu dhibkuu, inala goobaayo,

Haka gaabsan gobonimadu waa lagama guuraane

Haka gaabsan ruux ganacsade, guraya raadkeeda

Haka gaabsan ceebtaa gudiyo , gaadhay dibadeena

Haka gaabsan guulaamada kacaysa, geeskeena

Gabashaduna waa ceeb ha noqon giirle baqanaaya

Codku waa garnayliyo dabee, sida gantaal yeedhi

Godobtaada ruuxa qabana, gaar isaga leexi

Goolaaftankiyo beenta uu cadow la geeraaray

Gurmad yeelo iyo geesiyaal, talada gooynaaya

Gacan yeelo ruuxii gef gala, lagu garaacaayo

Garba yeelo guutooyin aan, cidi garaafaynin

Go’aan yeelo talo lagu guntoo, dhaliya goolkeena.

 

 

Cabdiraxiin Hilowle Galay | Galayr1977@hotmail.com

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.