Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Galgaduud waxaa ka da’ay Maalmahan Roobab lagu diirsaday oo aad ugu farxeen Dadka iyo Duunyada ku dhaqaan Gobolkaasi oo mudaba dhoorayay dhibicda Roobka.
Degmooyinka iyo Deegaanada kala duwan ee Gobolka Galgaduud ayaa lasoo sheegayaan in Roobabkan si fiican uga da’een ayna ku oon baxeen dadka iyo duunyada ku dhaqan Gobolkaasi .
Degmada Ceel Buur ayaa kamid ah Goobaha sida aadka ah loogu diirsaday roobka ,waxaana biyo badan galeen goobaha biyo galeenada ee loogu tala galay in ay ku hooraan biyaha Roob ka .
Dadka ku dhaqan Degmada Ceel Buur iyo Gobolka Glagaduud ayaa aad ugu faraxsan Roobabka xiligan curtay kuwaa oo ka faa’iideesanaya biyaha roobka ee Xareeda ah.
Dad badan ayaa isku diyaarinaya beerashada Beeraha ee xiligan maadama ay heleen Roobaba aad u fiican walina ay rajo badan kasii qaban Roobabka in ay sii da’aan.




![]() |
You must be logged in to post a comment Login