Heshiis ay wada gaareen Somalia & Somaliland

Wararka naga soo gaaraya dhanka Wasaarada Gaashandhiga Xukuumadda Somalia ayaa sheegaya in xukuumadda Somalia ay Hishiis hoose ay la gashay Saraakiil katirsan Maamulka Somaliland kuwaasoo lagu wado inay socdaal ku gaaran Magaalada Muqdisho

Xog aan ka helnay mid kamid ah Masuuliyiinta ka howlgasha Xafiiska Wasiirka wasaaradda Gashandhiga Somalia Xusein Carab Ciise ayaa sheegaya in Wasaarada Gaashandhiga ay wada hadal dhanka Telka ah la yeelatay Saraakiil katirsan Somaliland waxa ayna wararku sheegayan in Saraakiishasi ay kasoo goosan doonaan Maamulka Somaliland islamarkaana soo gali doonaan gacanta Xukuumada Somalia si ay tababaro iyo Khibrad usiiyan Ciidamada xooga dalka

Xogta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Saraakiisha soo goosan doono ay gaarayan Afar sargaal kuwaasoo kaalin muhiim ah u haaya Somaliland balse arintaasi ayaa waxaa la sheegaya inuu dhameeyay Wasiirka Gaashandhiga Somalia Xusein Carab Ciise oo isaga kasoo jeeda dhulka Somaliland

Ugu danbeyntii Xogta nasoo gaartay laguma xusin xiliga ay Saraakiishasi soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login