Qof rayid ah oo lagu dilay Kismaanyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay Nin Mu’adin ah xili uu kasoo baxaayay Masjidka

Goob jooge kamid ah Ragii ku sugnaa Masjidka ayaa QARANIMO ONLINE  u xaqiijiyay in Mu’adimkaasi lagu toogtay Bartamaha Magaalada Kismaayo waxa uuna sheegay in dilka Mu’adimka ay kadanbeeyen Maleeshiyo katirsan Raaskambooni oo xiligaasi ku sugnaa agagaarka Masjidka

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkaani kusoo badanaaya dilalka maalayacniga ah oo ay geesanaayan Maleeshiyada Raaskambooni oo iyagu iminka loo magacaabay guddoomiyaha Kismaayo waxa ayna wadaan Sifeynta Culimada iyo dhalinyarada looga shakisan yahay inay ku lugleeyihiin Kooxda Alshabaab oo iyaga looga itaal roonaaday dagaalka ay kusmaayo kawaday

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.