Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Muqdisho & nawaaxigeeda

Daryanka gugaca roobka iyo biriqda ka daba dhaceysa oo laga maqlayay magaalada Muqdisho xaafadaha ay ka kooban tahay ayaa dadka magaalada waxaa soo food saaray cabsi weyn, iyagoo uba qaatay in dagaallo faraha looga gubtay ay ka dhacayaan Muqdisho.

Roobabka xalay ka curtay Muqdisho iyo gobolada Shabeelooyinka ayaa ku soo beegmay xilli ay dadku si weyn u dhowrayeen, iyadoo hawaduna ahayd maalmahaan mid xiran oo aanay jirin dabeyl, jawiguna uu ahaa mid kulul, ayaa xalay markii ay roobabka deyrta bilowdeen waxaa la dareemay neecaaw iyo qabow ay ku diirsadeen noolaha oo dhan.
Dhinaca kale waxaa laga cabsi qabaa in roobabka deyrta ee ka curtay dalka inay saameyn ku yeeshaan xarumaha dadka tabaaleysan iyo barakacayaasha, kuwaasi oo xilli roobaadkaan u baahan gargaar dhinaca hoyga iyo caafimaadka ah.
Haddii ay roobabkani sii socdaan suuragal noqoneyso inay daadadka ka dhasha ay cagta mariyaan bushasha iyo dhismayaasha baakadaha ka sameysan iyo gebi ahaanba dhismayaasha qadiimiga ah, waxaana qaar ka mid ah hay^adaha samafalka ay ka digeen waxyeelo ka dhasha roobabka deyrta ee xilligaan.
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login