Caruur Muqdisho shuban dartii u geeriyooday

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaala ayaa waxaa ku geeriyooday caruur yar yar oo shuban u geeriyooday.

Xilligan iyadoo lagu guda jiro waqtiga kuleelka ayaa la sheegay in caruurtaasi ay u geeriyoodeen sabab lagu sheegay in shuban biyood uu ka dhacay kadibna waalidkooda ay awoodi waayen inay geeyaan isbitaalada si halkaasi daryeel caafimaad loogu sameeyo.

Mid kamid ah dadka kunool kaam ku yaala Xaafada Abagado oo ka tirsan Degmada Dharkeynley islamarkaana dagan kaamka ay caruurtaasi ku dhinteen oo la hadlay warbaahyinta ayaa wuxuu ka hadlay sida ay caruurtaasi halkaasi ugu geeriyoodeen.

Wuxuu sheegay in kasokoow caruurta geeriyootay ay jiraan dad hada xanuunsanaayo kuwaasi oo nabro la garan waaye korkooda ay kasoo baxeen sida uu sheegay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadka aysan laheyn awood ay ku tagaan dhaqtarka islamarkaana aysan haysan wax lacago ah isaga oo dalbaday in dadkaasi lasoo gargaaro.

Xeryaha Barkacayaasha ah ee ku yaalo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dad badan oo ka kala yimid Gobalada dalka Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood ku dhax xanuunsanaya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.