Deegaanka KAXDA oo loo aqoonsaday degmo buuxdo

Deegaanka Kaxda oo dhaca duleedka degmada Dharkeenley ayaa maanta loo aqoonsaday inay noqoto degmadii 17aad ee ka tirsan Gobolka Banaadir, kadib markii lagu shaaciyay Munaasabad ka dhacday degmada cusub.

Munaasabada oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa degmada cusub ee Kaxda waxay si rasmi uga mid noqoneysaa degmooyinka Gobolka Banaadir oo horay 16-degmo ahaa.

Wareegto dhowr bilood ka hor soo baxday oo uu ku saxiixnaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isla markaana Wasaarada Arrimaha Gudaha ay soo jeedisay ayaa degmo rasmi ah loogu aqoonsaday deegaanka Kaxda, iyadoo uu qalinka ku duugay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabada lagu shaacinayay degmada Kaxda ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan iyo dadka deegaanka ee ka soo jeeda degmada cusub ee Kaxda.

Degmada Kaxda ayaa ku taal cirifka koofur galbeed Muqdisho, waxaa ay ka mid aheyd deegaanada loo barakacay, inkastoo xilliyada dagaalada ka dhacayeen duleedyada Muqdisho ay gaarayeen duqeymaha. Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa deegaano ku yaal Gobolada Koofurta iyo Bartamaha u magacaabay degmooyin badan.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.