Xilli dhalinyarada Soomaaliyeed intooda badan ay ka tahriibaan dalka Soomaaliya una tahriibaan dallalka caalamka ayaa safaarada Soomaaliyeed ee dalka Liibiya waxa ay soo saartay digniin ay ujeedinayso dadka Soomaalida ah.
Safiirka ayaa wuxuu sheegay in si cad uu fariin ugu diraayo shacabka Soomaaliyeed iyo dhalinyarada tahriibka aada,isaga oo tilmaamay in qofkii Soomaali ah oo ka dhaga adeega fariintaasi uu naftiisa qatar isaga galiyay.
C/qani Waceys Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa wuxuu tilmaamay in dalka Liibiya qudhiisa ay ka dhextaagan tahay dhibaato oo ay masuuliyiinta Dowladda ay isheestaan taasi uu ku sheegay mid lagu dhexdhimanaayo.
Soomaali badan ayaa dalka Liibiya maraan kuwaasi oo doonaya inay kasii gudbaan bada qatarta badan ee udhaxeeysa dalka Liibiya iyo Talyaaniga kuwaasi oo naftooda qatar halkaasi ku geliya.
![]() |
Socialize