Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.
Qaraxa oo ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa marqura waxaa dhawaqeeda laga maqlay Xaafada calanleey oo uu ku yaalo saldhiga waxaana intaasi kadib xigay rasaas la isweeydaarsaday.
Inkastoo aan la sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi ayaa hadana wararku sheegayaan inuu jiro khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaraxa lagu weeraray.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xalay waqtiga markii uu ahaa 10:30-xilligaasi oo shacabka reer Kismaayo ay hurdeen.
Majirto cid sheegatay qaraxaasi sidoo kalena ilaa hada saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo arintan kama aysan hadlin.
Tan iyo markii ciidamada huwanta ay cagta saareen Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Magaaladaasi ka dhacaye falal dilal qorsheysan iyo qaraxyo kala duwan.
![]() |
Socialize