Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan islamarkaana gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay waxa ay siyaabo kala duwan uga dhaceen degmooyinka Dharkeenlay iyo Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa ugu horeyn waxa uu ka dhacay Bar-Konotorol oo ku yaalla gudaha degmadaasi, waxaana weerar u badan Baasuukayaal halkaasi ku weeraray Kooxo sida la sheegay ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Ciidamada Dowladda iyo Kooxihii ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isku adeegsaday Rasaas iyo Madaafiic xooggan oo sida la sheegay qaarkood ku dhaceysay Meelo ay degan yihiin dad shacab ah sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah.
Guddoomiye ku xiggeenka degmada Dharkeenlay ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in weerarka ay soo qaadeen Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab islamarkaana ay iska difaaceen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Xalay gallinkii dambe ayaa Kooxo hubaysan oo sida la sheegay ka tirsanaa Al Shabaab waxa ay Bambaanooyin iyo Baasuukayaal ay ku weerareen Guri Xaafadda Carafaad degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir uu ka deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya.
“Kooxo hubaysan ayay ahaayeen oo weerar kusoo qaaday degmada kollay waa qoladii Nabadiidka ahaa ee ka tirsanaa Shabaabka, marka rasaas ayay tuureen, cidna wax kuma gaarin” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir Muxudiin Jurus oo la hadlay warbaahinta.
Ilaa iyo hadda macadda qasaaraha ka kala dhashay weeraradaasi sida kala duwan uga dhacay degmooyinka Dharkeenlay iyo Yaaqshid ee gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qosheysan iyo Weeraro bambaano oo la aaminsan yahay in Xarumaha Dowladda ay ku qaadaan Kooxo sida la sheegay ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize