James Swan Oo xalay ku hoyday Muqdisho

Danjiraha dawlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xalay markii ugu horeysay ku hoyday magaalada Muqdisho in ka badan labaatan sano iyadoo maantana [Talaado] ay magaalada Muqdisho ku soo fool leeyihiin danjirayaal kale.

Ilo wareedyo ayaa Raxanreeb u sheegay in ujeedada joogitaanka danjiraha Mareykanka ee Muqdisho iyo imaanshaha diblomaasiyiinta kale ay la xiriirto kadib markii dawlada Soomaaliya ay si bareer ah u diiday maamul ku-meelgaar ah oo toddobaadkan ay ku dhawaaqeen militariga Kenya ee qabsaday magaalada Kismaayo. [AKHRI Maamul looga dhawaaqay Kismaayo]

Dawlada Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaashaanka u daruuray gebi ahaanba in dawladiisu aqbasho qaabka ay Kenya ku sameysay maamul la sheegay inuu yahay mid si ku-meelgaar ah uga talin doona magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose oo bishii hore laga saaray ururka Al-Shabaab. [DAAWO SAWIRADA KISMAAYO]

Soomaaliya iyo Kenya oo loo kala dab qaadayo

Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa mudo dheerba dawlada Soomaaliya u arkaysay kuwo aan toos ula shaqeyn wasaaradda gaashaandhiga dalka, sidoo kalana aysan amarada ka qaadanin taliska AMISOM.  Waxaana iyadoo arimahaasi ay jireen soo baxay maamul uu ku dhawaaqay markii ugu horeysay afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Kenya Col Cyrus Oguna.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si adag u diiday maamulka ku-meelgaarka ah ee ay ciidamadu sameeyeen isagoo ku dooday in isagoo Muqdisho jooga aysan suurtagal ahayn in maamul Kenya sameysay uu ka jiro dalka oo hadda kabaxay waqtigii ku-meelgaarka, arintaasi waxaa garowsaday diblomaasiyiinta reer galbeedka ee Kenya fadhigoodu yahay, waana taas sababta danjiraha Mareykanka uu xalay ugu soo hoyday Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mwai Kibaki oo ku kulmay Kampala toddobaadkii hore.

Wufuuda maanta imaaneysa Muqdisho, ayaa sida Raxanreeb ay ka soo xigatay saraakiil dawlada Soomaaliya ka tirsan waxaa ka mid ah danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh iyo wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD kuwaaasoo dhamaantood maanta madaxweynaha ugu tagi doona xafiiskiisa Villa Soomaaliya.

Danjirayaashan ayaa ugu horeyn, marka ay maanta la kulmaan madaxwewyne Xasan Sheekh waxay raaligelin ka bixin doonaan tallaabada deg dega ah ee Kenya ay ku dhaqaaqday iyo la tashi la’aanta dhacday, iyadoo sidoo kalana laga hadli doono aragtida dawlada Soomaaliya ay rabto in maamul loogu dhiso gobolada Jubbooyinka oo ah gobol ballaaran oo Soomaalida oo dhan wada degto.

Aragtida dawlada

Dawlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qabta in ciidamada Kenya ee ku jira gobolada Jubbooyinka ay ku ekaadaan kaalin la mid ah mida AMISOM oo ku kooban kaliya dagaalka Al-Shabaab iyo taageerida ciidamada dawlada, hase yeeshee wixii maamul sameyn iyo arimaha gudaha ah looga dambeeyo dawlada oo la kaashaneysa odayaasha qabiilada deegaanka oo dhan.

Dawlada ayaa u aragta gobolka Jubbada Hoose mid ahmiyad iyo qiime gaar ah leh isla markaana aan la dhihi karin reero gaar ah ayaa dega sidaasi awgeedna la helo qorshe iyo nidaam dadkoo dhan talada uga wada qeybgali karaan.

Sida Raxanreeb ay u xaqiijiyeen saraakiisha ku dhow madaxweynaha, wuxuu madaxweynuhu isla aragtidan hore ugu cadeeyay warqad uu bishii hore u diray dawlada Kenya taasoo nuqul ka mid ahna la gaarsiiyey ururada IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah safaaradaha wadamada reer galbeedka. [AKHRI Warqada madaxweynaha]

Arimaha Kismaayo iyo guud ahaan gobolada Jubbooyinka ayaa arin aad u xasaasi ah waqtigan waxaana jira qabiilo badan oo cabasho ka keenay habka ay wax u wadaan ciidamada Kenya oo had iyo jeer isu ekeysiiya ciidan ka duwan AMISOM, inkastoo ay magac ahaan sheegtaan dalladda AMISOM kuna mushahar qaataan.  Saraakiisha ciidamadaUganda, Burundi iyo Jabuuti oo ka mid ah ciidamada jooga dalka oo si ugu eg inay ka masareyrsan yihiin Kenyanka ayaa xitaa markan taageersan aragtida madaxweynaha Soomaaliya ee uu kaga horjeedo dhaqdhaqaaqa Kenya.

Si kastaba kulanka maanta madaxtooyada Muqdisho ku dhexmari doona madaxweynaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo Afrikaanka isugu jira ayaa la filayaa imay qodobo ka soo baxaan.

SOURCE: RBC

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.