Waxaa Xalay ka qabsoomay Garoomo ku Yaala Dalal ka Tirsan Qaarada Yurub iyo Laatin America kulamada Isreebreebka 2014ka lagu Tagayo dalka Brazil e martigalnaya Koobka Aduunka.
Kulmadii xalay la ciyaaray oo qarkod Natiijadooda la sii sugayay aya waxaa xusud mudan in Franca iyo Sweden ay Muujiyeen karti karti dhaaftay ka dib Markii ay Barbaro ugu dhameeyeen wadamadii ay Martida u ahayeen ee Spain vs Germany kuna kala baxeen 1-1 vs 4-4 natiijadaasoo Taageerayaasha Xulalka Spain iyo Germany u cuntami weysay ka dib markii Labada weerarayahn ee Qaramada Franca vs Sweden Giraud iyo Elmander ay u kala xaqiijiyeen Xulalakooda Franca iyo Sweden Goolshii barbaraha ay kula galeen Sbain iyo Germany.
Xulka Germany oo isagu 4gool o daran doori ah ku hormaray uuna labo ka mida Goolshaaasi dhaliyay Klose oo u ciyara Lazio ayaa nasiibdaro ay Sweden qabatay Kana dhigtay Ciyaarta 4-4 ka dib Markii uu Galka Seefta kala baxay Ibrahimovic Saaxiibadiisna ka saaciday inay qabtaan Germany.
Talyaaniga ayaa 3-1 uga faraxashay Denmark oo marti u aheyd waxaana Gookii 3 ee Talyaaniga qalinka ku duugay Mario Bolotelli,kulankiia dkaa e u dhaxeyn lahaa Xulalka Poland vs ENgland ayaa waxaa baajiyay Roobaba Xoogan oo Harqiyay Garoonka Caasimada Warsow.
Holland ayaa iyaduna 4-1 ku Garaacday Romania waxaana Xalay 2 ka mida Goolashaasi u dhaliyay Holland Vander Vaart,iyadoo mid ka mdia 2 kalena uu qalinka ku duugay Van Pierse.
hadaan jaleecno qaarada Laatin america Xulak la celin la yahay ee Argentina ayaa u martiyay Chile kagana soo badiyay 2-1 waxana Goolasha Xulka Martida ahaa ee Arjantiin oo 20 dhibcood ku hogaamninaya Isreebreebka Koobka Aduunka ee Qaarada Laatin america ka saaciday Weerayahnada kala ah Lionel Messi iyo Gonzalo Higuain.
Inkastoo Xalay ay nasteen Xulka Colombia hadana Xulalaka kale ee Ciyaaray isdatan ayey u kala badiyeen.
Bolivia vs Uruguay 4-1 Xulka Heysta Koobka Latin america ee Uruguay waxaa ka muuqda Hoos u dhac weyn Kulmadii ugu dambeeyay oo ay ku dhacayeen dharbaaxooyin Xoogan, Paraguayvs Peru 1-0, Ecuador vs Venezuela 1-1
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com
_________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize