Wafdigii IGAD oo Kismaayo kuwajahan

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa saaka lagu wadaa inay gaaraan magaalada Kismaayo, kaasoo ah wafdigii u horeeyay oo ka socda Mas’uuliyiinta Gobolka oo booqan doona magaalada muhiimka ah ee Kismaayo tan iyo markii horaantii bishan ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ah mid si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu soo waramayo in Ciidamada is garabsanaya ay gudaha ugu jiraan xaafadaha magaalada si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda ayaa sheegay in wafdigan ay qiimeyn doonaan xaalada magaalada, isla markaana dhaq dhaqaaqa xaga ammaanka ay kormeeri doonaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wafdiga ka socda IGAD ay wehliyeen Gudi farsamo oo laga soo kala xulay beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasoo lagu wado inay qaban qaabiyeen shirweyne lagu soo dooran doono Maamul goboleed oo ka dhici doona magaalada Kismaayo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dayactir ka socday garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo lagu wado inay ku soo degaan diyaaradaha, iyadoo Ciidamada Kenya ay saldhigyo ka sameysteen garoonka, ammaankana si weyn u adkeeyay.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | MUqdisho, Soomaaliya

__________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.