Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay RW Saacid

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabd Faarax Shir-doon Saacid, kadib markii uu Baarlamaanka horkeenay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulanka Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen 215-mudane ayaa waxaa hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay qorsho howleedkiisa iyo Xukuumada uu soo dhisayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu xooga saarayo arrimaha gudaha, xiriirka arrimaha dibada, ammaanka iyo siyaasada, la dagaalanka musuq maasuqaisagoo balan qaaday inuu soo dhisayo Xukuumad tayo leh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo magacaabay wada tashi, isla markaana uu rajeynayo in Xukuumada la soo dhisi doono ay noqoto mid wax ka qabata arrimo badan.

Intaas kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa weydiistay Xildhibaanada inay cod u qaadeen, iyadoo Xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shir-doon.

Xildhibaanada ayaa goor dhow u kala dareeray salaada duhur, iyadoo madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kulan gaar ah leeyihiin.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka hadlaan ansixinta Baarlamaanka oo ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen, iyadoo Baarlamaanka hortiisa lagu hor dhaarin doono Ra’iisul Wasaaraha.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login