Xarakada Dam Jadiid ee iminka uu kasoo jeedo Madaxweynaha Somalia Prof Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Ololineysa Siiyasadda Cusub ee iminka ka curatay Dalka Somalia waxaana lagu soo waramaaya in Masuuliyiin katirsan Xarakada ay dhex dageen Villa Somalia oo aan u madaxbanaaneyn qof waliba
Xarakada Dam Jadiid ayaa iyadu dooneysa inay buuxiso booska Xarakada Alla Sheikh ay kaga jirtay Siyaasadda Somalia wallow ay soo badanaayan Masuuliyiinta Xarakada ee deeganka ka dhigta Villa Somalia kuwaasoo habeen iyo maalin dulfadhiya Dastuurka Somalia islamarkaana tilmaamo gaar ah ka bixinaaya Ragga uga qeyb qaadan lahaa Siyaasadda Cusub ee Somalia iyaga oo kasoo galaaya dhanka awood qeybsiga Beelaha
Saraakiisha AMISOM ee ilaalada ka heysa Villa Somalia ayaa garan la Cida katalisa Somalia islamarkaana uu hooyga u yahay Villa Somalia kadib markii Villa Somalia ay buux-dhaafiyeen in kabadan 20 Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan Xarakadda Dhiiga cusub
Arintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Xarakadda Aalla Sheikh ay boorsooyinkooda ka qaadanaayan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia oo iminka deeganka u noqotay Xarakada Dhiiga Cusub
Maca halka ay wax marin doonto xukuumadda Cusub maadama Jihooyinka oo idil ay kaga buuqayan qabaa’ilada iyo Xarakada Dam Jadiid oo iyagu doonaya in lagu safo Jagooyin
Ugu danbeyntii waxaa Villa Somalia kusii qul-qulaaya Dam Jadiid oo iyagu la sheegay inay alaabtooda u raranaayan halkaasi.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya
_____________________________________________________
![]() |
You must be logged in to post a comment Login