Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka kulan ku leh xarunta Baarlamaanka ee guriga Umada iyagoona ka doodi doona ajandaha miisaaniyada dowlada, kaas oo alg wado in aay ku howlgasho dowlada cusub ee madaxda ka yahay Xasan Shiikh uuna ra,isul wasaare ka yahay Cabdi Faarax .
warar hoose ayaa sheegaya in Baarlamaanku uu ka doodi doono nuqul ka mida kii aay soo diyaarisay wasarada maaliyada ee xiligeedu dhaamday kaas oo la doonayo in dalka lagu maamulo sadexda bilood ee soo, iyadoo golaha baarlamaanku aay cod u qaadayaan nuqulkaas. .
Miisaaniyadan maanta la horgeynayo Baarlamaanka ayaa noqoneysa tii u horeysay ee la horkeeno Baarlamaanka cusub ee Soomaliya tan iyo markii lasoo doortay bishii Augosto ee sanadkaan, xili aan la ogeyn lacagaha dowladda ku bixi doonto saddex bilood, gaar ahaan Xafiiska Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasaaradaha Xukuumada.
shalay ayeey aheyd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra,iisul waswaarahacusub ee Soomaaliya kaas uu bishii hore dhamaadkeedi magacaabay Xasan Shiikh.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
__________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize