Faroole iyo dhaqanka Puntland oo isku dhagan

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa waxaa ka hor imaaday Odayaasha iyo aqoonyahaanada Waxgaradka Saraakiisha Puntland kuwaasoo kabiya diidan xil kororsiga Madaxweyne Faroole oo isagu la sheegay inuu ka talaabsaday Nidaamka Maamulkaasi u yiilay

Waxaa soo ifbaxaaya Cadaadin dhanka Beesha Caalamka kaga imaaneysa Faroole, waxa ayna wararku sheegayan in Faroole uu caqab ku yahay Isbedlka iyo fur-furnaanshada Maamulka Puntalan oo mudooyinkii danbe kusoo koobmay Gudaha Magaalada halka laga filaayay inuu buuxiyo xiriirka Maamul Goboleedyada Jaarka la’ah

Xog aan ka helnay dhanka Waxgaradka Puntland ayaa waxa ay sheegayan in Odayaasha iyo waxgaradka Beelaha dega Puntland oo garabsanaaya aqoonyahaanada ay Warqado dhaliil ah u gudbiyeen Beesha Caalamka taasoo ay kaga cabanaayan Maamulka Faroole oo waqtigiisa dhamaaday islamarkaana is hortaagay isbedelka iyo xoojinta Xiriirka Siiyasadda Gobolada jaarka la’ah Puntland waxaana lagu soo waramaya in Faroole ay waraaq kasoo gaartay dhanka Beesha caalamka oo iyagu aan horayba uga warqabin habsami u socodka maamulkaasi Faroole

Macada sida Faroole uu uga baxsan doono Siyaasadaha isdiidan ee iska hor imaanaya wallow warar lagu kalsoonyahay ay sheegayan in Faroole loo qabtay muddo Bil iyo bar gudaheeda inuu Xilka isaga wareejiyo hadii arintaasi la waayo ay howshu faraha la gali doonto Beesha Caalamka .

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

_____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login