Howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa saaka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ka billaabeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in ciidanka isgarabsanaya ay guri guri u galayaan saaka 4-ta xaafadood ee magaalada iyo xarumaha barakacayaasha ay degan yihiin, iyadoo howlgalkaasi looga golleeyahay in la sugo amniga guud ee magaalada.
Col. Aadan Ibraahim Ilyaas oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee howlgalka ka wada Jubbooyinka ayaa sheegay in waabarigii saaka ay xaafadaha magaalada Kismaayo ka billaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka guud magaalada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale baaritaannada ay ka socdaan xaruntii ciidamada cirka ee Marina, xeradii Congo ee ciidanka Soomaaliya halkaasi oo khubaro ka tirsan AMISOM ay ka wadaan miino baaris.
Ilaa iyo hadda lama oga dadka lagu soo qab qabtay howlgalkaas, walow saraakiisha dowladda Soomaaliya ay sheegeen in uu sii socon doono howlgallada lagu sugayo ammaanka Kismaayo.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login