Ibraahim Cabdul Sugule ‘si weyn ayaan u taageersanahay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Ibraahim Cabdul Sugule oo ka mida Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Minasotta ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Dowlada Fedraalka Soomalaiya ee Masuuliyiinteedii la yagleelay waxa uuna xusay in Soomaaliya Maanta ay ka Baxday hanaankii KMG nimada una Gudubtay Hanaan Rasmi ah oo ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Aqoonyahan Sugule waxa uu Hoosta ka xariiqay in Madaxda Cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya looga Baahana Yahay inay danta Guud ka Horumariyaan Tan gaarka ah uguna adeegaan Dalka iyo Dadka Soomalaiyeed daacadnimo,Karti,alla kacabsi iyo Wadaninimo isagoo ku Baaqay shacabka Soomaalaiyeedna inay garab istaagaan lana shaqeeyaan.
Waxa uu xusay in Waa Cusub Maanta u baryay Shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in Laga Faaideysto Fursadaasi qaaliga ah .
‘ka jaaliyad a haan waan ku Faraxsanahay waana Taageersanahay in Soomaaliya Maanta ay ka baxday KMG una gudubtay Dowlad Soomaaliyeed oo Rasmi ah waxaana Madaxda Dowlada Soomaaliyeed iyagoo isku duuban aan u rajeyneynaa inuu Alle u fududeeyo Xilka Culus ee ay Ummada Soomaaliyed u qaadeen kuna guuleeyo.
Waxaa wareystay
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com
![]() |
You must be logged in to post a comment Login