Imaamka Beesha Mudulood oo soo dhaweeyay R/wasaaraha cusub

Imaamka Beesha Mudulood ee N/America ayaa soo dhaweeyay sida wanaagsan Xubnaha Barlamaanka Maanta u ansixiyeen Ra’iisal wasaaraha.
Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Asad Maxamuud islaw Waxaan u hambalyeeynayaa ayuu yiri Imaamka Golaha Shacaba Soomaaliyeed Go’aankooda Mideysan ee ay ku ansixiyeen , Wasiirka 1aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya , Waxaan sidoo kale u Hambalyeeynayaa Shacabka Somaliyeed , Si gaar^ahaan waxaan hambalyo iyo bogaadin intaba hawada u marinayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Waxaan leeyahay Xukuumad tayo leh oo Caddaalad iyo Horumar dalka u horseeda ayaa lagaa sugayaa Mudane Ra’iisalwasaare inaad soo dhisto.

Imaamka ayaa dhamaan Dowladda ugu baaqey inay isu taagaan samatabixinta dadka Somaliyeed, waa iney sida maanta aan aragnay oo kale noqotaa shaqada ka dhaxaysa Hay’adaha Dowladdu mid wadajir ah, haddii hoggaanka dalku heshiis yahay oo wada shaqayn ka dhaxayso Dowladda oo dhamina waa hagaageysaa dalkuna wuxuu helayaa Nidaam iyo kala danbeyn.

Midnimaa lagu meel maraa, maskax iyo maamul wanaagsan ayaa laydinka marti yahay Madaxda dalka oo dhan, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaaraha waxaan leeyahay, waa inaad mudooyinka soo socda, ducadii iyo farxadii dadka iyo taageeradii idinkuna aad muujisaan dedaalkeeda oo aydaan rajada dalka cidla dhigin, waxaan kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan Dowladdooda maaha taageeradu af keliya ee inay naftooda iyo maalkooda iyo xoogooda geliyaan dowladda oo ay iskaa wax u qabso kula shaqeeyaan.

Dalku inaga ayuu ina sugayaa, Qurbajoogta, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Culumada, Haweenka iyo Dhalinyarada waa inaan si wada jira uga qeyb qaadanayaa dib u dhiska dalkeena, oo aan gacmaheena ugu shaqeynaa, Afar sano haddii 8 milyan qof weliba Afar saacadoo u shaqeeyo Dowladdiisa oo Iskaa wax u qabso, waxaynu u ekaan doonaa, waddamada adduunka ugu quruxda badan,
Ka tashada cadaawahoo , isku tiirsanaada, Soomaaliya ha noolaato.

 

Wabilaahi tawfiiq

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

_____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.