Shanta arrimood ee saldhigga u ah dhisidda nabadda iyo dawladnimda Soomaaliya.

 OPINION / FIKRAD | by Abdiweli Hassan Mohamed  | Soomaaliya waxay muddo dheer ku soo jirtay dagaallo iyo macaluul is-garab socday, kuwaas oo keenay in kumanaan Soomaali ah ay daafaha caalamka ku dayacan yihiin, sidoo kalena dalka gudihiisa ay ka jiraan ammaan-darro, faqri baahsan iyo shaqo yaraan. Arrimahani waxay keeneen in dhallinyaro fara badan ay maalin kasta dalka ka sii hayaamaan, inta hartayna ay weli u sii hangal taagayso sidii ay ku bixi lahaayeen (sida ku cad warbixinta Horumarinta Aadamiga ee UNDP, 2012).

Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dadkeeda lagu qiyaaso 10 milyan, ayaa 45% yihiin dad da’doodu ka hoosayso 14 sano jir una dhiganta 4 milyan iyo bar (sida ku cad World Factbook, 2012), taasoo macnaheedu yahay in ku dhawaad kalabar dadka Soomaaliyeed ay carruur yihiin, una baahan yihiin dawlad xannaanaysa si degdeg ah. Sidoo kale qiyaastii 5 milyan ayaa ah xoog xilliga shaqada ku jirta  oo ay ragga iyo dumarkuba tiro ahaan xooggaas is le’eg yihiin. Arrintanina waxay na tusaysaa in si degdeg ah ay ugu baahan yhiin dawlad u abuurta shaqooyin si looga badbaado masiibooyinka aan kor ku xusnay.

Haddaba sawir guud kaddib, waxaa looga baahan yahay xukuumadda Dr. Saacid inay shan arrimood yool ka dhigato si isla socota, waxayna kala yihiin:

  1. Siyaasado shacabku ictiraafo (Legitimate Politics): Waa inay markiiba samaysaa qaabab iyo hay’ado ka shaqeeya ka qayb-gelinta siyaasadda dhammaan qaybaha bulshada iyo xallinta khilaafaadka. Si taas la mid ahna waa in shacabka Soomaaliyeed siiyaan ictiraaf siyaasadeed;
  2. Ammaanka (Security): Waa in la xoojiyaa ammaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana waa in dib-u-habayn degdeg ah lagu sameeyaa ciidamada qalabka sida, la tayeeyaa, xuquuqdoodana la siiyaa, lana gaarsiiyaa in ay qaali noqoto in la noqdo ciidan;
  3. Caddaaladda (Justice): Waa in si degdeg ah xukuumaddu wax uga qabataa caddaalad xumida ka dhexjirta bulshada iyo weliba dawladda hay’adaheeda. Sidoo kale waa in muwaadinku gaari karaa ama heli karaa qaab u ku gaaro inuu dhibkiisa caddaaladda la hortago, taasoo meesha ka saaraysa in muwaadinku gacantiisa ku fushado caddaaladda;
  4. Saldhigyo Dhaqaale (Economic Foundations): xukuumaddu waa inay abuurtaa shaqooyin iyo qaabab ay dadku nolol-maalmeedka ku heli karaan. Sida ka muuqata dhammaan warbixinaha hay’adaha cilmi-baarista caalamiga ah waxaa loo baahan yahay in xukuumaddu si degdeg ah u wajahdo shaqo yaraanta, si looga hortago in saddexda arrimood ee sare ay meesha ka baxaan;
  5. Canshuuraha iyo Adeegyada (Revenues & Services): Arrimaha sare waxay fuli karaan markii xukuumaddu abuurto ilo-dhaqaale ka soo galo, si ay afarta qodob ee sare u hirgalaana waa inay si degdeg ah u abuurtaa hay’ado dalka oo idil ka sameeya ilo-dhaqaale, sida canshuuraha berriga iyo badda, adeegyo dawladdu bixiso oo ilo-dhaqaale ka soo galaan, iwm.

Si ay u hirgalaan qodobada sare waxaa muhiim wada-shaqayn dhexmarta bulshada Soomaaliyeed, Dawladda, iyo Bulshada Caalamka. Tanina waxay ku imaan kartaa in shacabku helo adeegyo muuqda oo degdeg ah, joogtana ah. Sidaas oo kalena waa in beesha caalamku si hagar la’aan ah oo muuqata ula shaqaysaa Dawladda Soomaaliyeed. Si taas loo helana waa in Dawladda Soomaaliyeed u hawl-gashaa meel-marinta nidaam hufan oo loo wada-jeedo (Transparency), dhinaca bulshada caalamkana ay sidoo kale soo maraan nidaamkaas hufan, si taas loo gaarana waa in la abuuraa hay’ad ay ku midaysan yihiin labada dhinacba oo leh xisaabtan muuqda.  Qaabka hufnaanta la wada arko wuxuu keenayaa inay xoogaystaan shanta arrimood ee sare ee muhiimka u ah helitaanka nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa, si loo gaaro fulinta arrimaha sare, waxaa lagama maarmaan ah in ay xukuumaddu leedahay hadaf, aragti fog iyo istiraatijiyad qorshaysan oo waqtiyaysan, taasoo la kormeeri karo, qiimayn lagu samayn karo, shacabkuna la tallaabo qaadi karo istiraatijiyadda Dawladda Soomaaliyeed.

 .

Abdiweli Hassan Mohamed  (abdihass55@hotmail.com)

Director, Research & Consultancy of the Regional Leadership and Development Centre (RLDC)

www.leadershipcd.org

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 18, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.