Xaflad aay xilka kula wareeyeem Ra,iisul wasaarahii hore iyo Ra,iisul wasaaraha cusub ee shalay baarlamaanku cod aqlabiyad leh ku ansixiyey mr. Cabdi Faarax ayaa maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya , iyadoo aay kasoo qebgaleen madaxda ugu sareeyso dowlada sida madaxweyne Xasan Shiikh iyo waliba Ra,iisul wasaaraha uu xiligiisu dhamaaday C/wali Maxamed “Gaas” kaas oo maanta wareejinaayey xilka .
Ra’iisul wasaarihii hore mr.Gaas oo ugu horeen ka hadlay meesha ayaa sheegay in xukumadiisu aay wax badan ka qabatay arimaha amaanka dhaqaalaha dib u dhiska dalka , waxa kale uu sheegay in xukumadiisu aay guul ka gaartay sidii loo soo gaba gabeen lahaa hanaankii kumeel gaar ka ahaa ee Soomaaliya aay ku jirtay madadii 20ka sano aheed.
Waxaa kaloo xaflada ka hadlay Ra,iisul wasaaha cusub ee Soomaaliya mr.Cabdi Faarax isagoona sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad ka badalan kuwii dalka horay u soo maray taas oo wax ka tarta arimaha taagan sida musuqmaasuqa iyo amni darada.
Ra,iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayey shalay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya asigoona isla shalay loo dhaariyay xilkaas , iyadoo maantana uu si toos ah xilkii kala wareegay C/wali Gaas oo ka mid ahaa musharaxiintii u taganeed xilka madaxweynaha bals ellaga guuleestay , waxaana loog fadhiyaa Ra,iisul wasaaha cusub in uu maalmaha soo aadan soo dhiso xukuumad kooban si loo hor geeyo iyana baarlamaanka Soomaaliya.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
__________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login