Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.
Filinkaan wuxuu idinka Caawinayaa in aad Fahamtaan Shalay Maxaa dhacay? Yaa ka dambeeyay Jiitanka Coollaada Dabadheeraatay ee Dalka Soomaaliya ku habsatay? Seese wax u dhaceen?
Filinkaan waa Documentary, Documenti ah oo laga Qori karo Boqolaal Kitaab. Documentary-gaan wuxuu kuu sahlayaa Fahamka meesha Soomaaliya laga Asiibay.
Filimadii hore oo ey Keydmedia Online so saartay sida: Sulux, Manifesto & Dagaaladii Sokeeye ee Somalia – Top Secret Tape – Jen. Morgan “Waa Dagaal Daarood iyo Hawiye”
- Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay! – 20 Sano kadib waxey Sugayaan Maxkamad, Magdhaw & Raali galin! – waxey Muujinayeen Kuwii Dambiga laga galay oo Codkoodii oo Original ah ku sheegaya sida loo galay iyo Cida geesatay Fal Dambiyeedyada Bini’aadniga Lidka ku ah.
Documentary-gaan wuxuu uga duwanyahay kuwii hore, kuwii weerarka ahaa ayaa Codkoodii ku sheegaya Sababta ku kaliftay in ey Dad Walaalahood ah oo aan wax Dambi ah ka galin Weerar kusoo Qaadaan!
1992, 24kii Bishii April ayaa Wariye (Reporter) Cali Saciid Xasan wuxuu Wanlaweyn, Leego iyo Buurhakabo Wareysi kula yeeshay Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre oo ujeedadoodu aheyd iney Magaalada Muqdisho dib u qabsadaan, Ciidamadaas oo inta badneyd isku soo dhiibtay Ururka SNA oo uu Hogaaminaayay General. Maxamed Faarax Ceydiid.
Arrintan waxuu Wariye (Reporter) Cali Saciid Xasan u Kashifay: Dhallaankii waagaas Da’da yarayd, kuwii dhashay waagaas kadib, kuwii Dalka ka maqnaa oo runtu ka dahsoonayd, kuwii Wajiga Beenta ah wax looga dhaadhiciyey iyo inta ka nool Maamulkii Manifesto oo abuuray khilaafka Siyaasadeed iyo Burkurka Qaran oo taagan ilaa maantada aynu joogno.
Hadaba Dhageyso oo Dhuux Jawiga uu Wareysigu u dhacayo iyo Goobta Wareysigu ka dhacaayo!
.
Keydmedia Online : -
________________________________________
Share on Facebook
15-May waa maalin ku asteesan 69-sano guuradii kas...
Kulan looga hadlayay Amniga Muqdihso oo maanta ka ...
Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo Looga Hadlay...
Ciida Soonfur iyo Dabaaldegga Muqdisho
New York. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Xoogha...
Maxay doonayaan kuwa Weriyeyaasha dilaya?!!
Sawiradda xafladdii xalay ka dhacay Xarunta Madaxt...
XOG HOOSE.. Golaha waziirada cusub & r/wasaare...
KDF breathe new life into Kismayu
Meher Aroos - Yasiin Axmed Sheekh Aadan Baari &...
Shirweynihii 6aad ee GOS oo lagu doortay Guddoon C...
Remarks with President of Somalia and Secretary of...
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

Socialize