Sow lama dhihi karo warbixinta Jamaal inay ahayd qalin gardaro?

Maxaase ku kalifay inuu aflagaadeeyo wariye Jamaal Cismaan suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Wariye Jamaal Cismaan waa ah wariye  Soomaaliyeed,  kuna  nool dalka  Ingariisk, wuxuu  dhawaan ku qoray wargeyska The Guradian warbixin, taasoo  uu  ku caayey guud ahaan wariyayaasha Soomaaliyeed, iyadoo la ogyahay daruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaiyeed, una dheertay dilala joogta ah, waxaa loo dilayana ay tahay  warkeyga sheeg, rutana  hasheegin haddaad  sheegtana waa  lagu dilayaa.

Wariyayaasha Soomaaliyeed markay arkeen warbixinta qaladka ah oo uu  Jamaal ka qoray wariyayaasha Soomaaliyeed, waxay ku noqotay fajac, kamana filayn nin ka tirsan mihnadooda saxafanimo ayaa ku kacaya ama qoray war ceynkaas oo kale ah, waxayna shalay ka sameeyeen suxufiyiinta caasimadda Muqdisho dibad bax ka dhan ah wariye Jamaal.

Ayaan darro inteeda la’eg Jamaal qoraalkiisa wuxuu ku sheegay inay wariyayaasha Soomaaliyeed yihiin kuwa askar ah, laaluush qaatayaal ah, dadkana baada islamarkaana aan ka fiirsan waxa ay qorayaan, hayeeshee Jamaal waxaan dhihi karaa anoo ah qoraaga qormadan kama fiirsan  warka uu  ku qoray wargeyska The Guardian, waana uu ku degdegay warkaas, waxaana haboonayd  inuu  ka hadlo dhibaatada haysata wariyayaasha Soomaaliyeed  kuwaasoo aanan qaadan mushaar  ku filan, xarumaha ay ka shaqeeyaana, helina xaquuqda isla mar ahaantaana jirin cid u dooda marka dhibaato loo geysto ha noqoto dil ama dhaawac intaba sababtoo ah wariyayaashii  ku dhintay ama ku dhaawacmay gudaha Soomaaliya iyagaoo ku guda jira mihnadooda saxafinimo, una shaqeeynaya dadkooda iyo dalkooda ilaa  iyo haddana wax la taaba karo oo  loo qabtya  majiraan, sharuurka uu ku eedeeyey  inay qaatana ma aha mid lagu eedyan karo ee waa  mid ay  u garteed masuuliyiinta ay  warka ka qaadayaan, waxaana u sheegayaa Jamaal in walaalahiisa ay isku xirfadda yihiin aysan haysan waxyaabo badan oo tasiilaad ah, waxay isku soo saareena ay tahay kartidooda waayoo dalka 22-sano ayuu  ku jiraa qas iyo fowdo, mana ah in maanta  wariye Jamaal  oo ka tirsan Channel4-TV, helana  mushaar  ku filan iyo  weliba tasiilaad dheeraad ah, inuu caayo bahda warbaahinta Soomaaliyeed  halkii laga rabay inuu saacido oo u doodo, kuna dhiiri geliyo inay aqoontooda warbaahineed kor u qaadaan islamarkaana naftooda aysan qatar gelinin.

Sidoo kale  Jamaal waa  inuu maankiisa geliyaa markii uu diyaarinaayey warbixintii ka dhanka ahayd hay’adda WFP, warbixintaasoo uu ku helay abaal marin caalami ah, waxaa u saamaxay inuu xogtaas helo wariyayaal Soomaaliyeed, kuwaasoo meeeshii uu war karabo ku garab gali jiray ileen wuxuu ahaa nin qorbo joog ah  oo wax badan kala socon wacyiga ka jira dalka iyo qaabka ay saxafadda gudaha Soomaaliya u shaqeeyso ilaa marka aad tahay wariye oo aad rabtid inaad  war ka sameeyso dal ay dagaalo aafeeyeen waxaa u baahan tahay  inaad hesho asxaab kula mihinadda ah si ay kaaga caawiyaan meelkasta oo xog ka rabto sida helitaanka  xiriirka masuuliyinta aad dooneysid inaad wareysato.

Mida  kale  wariyayaasha Soomaaliyeed qalad waa ka dhici karaa maxaayeelay waa Aadane, laakiin Jamaal wuxuu dafiray waxqabadka wariyayaasha Soomaaliyeed meelkasat  oo ay dunida  ka joogaan, imise dad Soomaaliyeed oo dhibaateysan sawiro iyo warbixino ay ka soo diyaariyeen waraiyayaasha  Soomaaliyeed si ay  ugu soo badhigaandhibaatooyinkaas Somaalida saliimka ah, Allna wax siiyey, sadaqadana ku fiican iyo bulshada Caalamka kuwooda deeqaha bixiya, tiiyoo la ogahay xaaladaha adag oo ay  ku shaqeeyaan wariyayaasha islamar ahaantaas dalka Soomaaliya uu yahay dalka ugu badan oo saxafiyiinta lagu dilo, taasina waxaa daliil u ah sanadkaan kaliye in ka badan 16-wariye ayaa  lagu dilay dalka Soomaaliya.

Haddaba waxaa  isweydiin mudan su’aalahan:-

  1. Maxaa  ku kalifay wariye Jamaal inuu  caayo wariyayaasha Soomaalyeed?
  2. Maxay ka sameyeen wariyayaasha?
  3. Muxuu  faa’ido ka halayaa cayda wariyayaasha?
  4. Ma la oran karaa wariye Jamaal warbixintaas waa  ku ceebowbay?
  5. Ma la dhihi karaa wuxuu Jamaal warbixintaas la’adligeed ku waayey saaxiibo badan oo   ay  isku xirfad yihiin?
  6. Jamaal ma u hayaa cadeymo cad laalushka uu  ku eedeeyey   inay wariyayaasha qaataan?
  7. Sow lama dhihi karo warbixintaas waxay ahayd qalin gardaro?

Guud ahaan jawaabaha su’aalahan waxaa u deeyey akhristayaasha Soomaaliyeed .

Ugu dambeyntii waxaan kula talin lahaa wariye Jamaal oo aan u haystay hadda ka hor wariye Qaran inuu arrintaas raali gelin ka bixiyo islamarkaana qirta qaladka uu u geystay bahda warbaahinta Soomaaliyeed,  ogaadaana inay wariyayaasha Soomaaliyeed ee dhibaataysan ka  mudan yihiin inuu soo bandhigo wixii wanaag ah oo ay u qabteen ummaddooda Soomaaliyeed maadaama uu yahay wariye Soomaaliyeed  oo u shaqeeya warbaahin caalimi ah.

Qofkasta oo Soomaaliyeed misane waxgarad ah wuu ka dharagsan yahay tacadiga lagu hayo dadka ehelka u ah warbaahiinta.

.

.

 

W/Qalinkii:- Wariye Axmedsaadaq  Yuusuf  Maxamed

Email:- saadaqcade@yahoo.com

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.