Wax ka baro heesaha uu Ku Caan Baxay Hobolka xasan baashe vs hablaha uu la qaaday Heesaha

Xubinteena Fanka Waxaan Idinkugu soo gudbineynaa Warbixin aanu ku odorosi doono Fanaanka Xasan Aadan samatar’ Xasan Baashi’ oo ka mida heesaagii loogu jeclaaa dhinaca fanka waxaana fanaanku uu ku luqeeyaa heeso dabacsan oo u gaara, kuwa wadani ah iyo kuwa uu la qaado lamaanaha dumarka.

Hadaba Hablihii ay heesaha Wada qaadeen Alfanaan Samatar waxa ay kala ahaayeen.

  • Alaha u naxariistee xaliimo Khaliif Magool………Boqoradii Codka
  • Sahro Axmed Jaamac
  • Saynab Xaaji Cali Siigaale ‘Baxsan’
  • Aamino Cabdulaahi Xirsi
  • Khadro Daahir Cige
  • Saado Cali Warsame ‘Cunaabi’
  • Khadiijo Maxamuud Khalanjo
  • Shankaroon Axmed yuusuf ‘Sagal’
  • Sahro Abuukar Cabdi’ Sahro Dawo’
  • Xabiibo Xasan Tooxow
  • Shamso Cumar Axmed

Fanaanka Samatar Heesaha dabacsan iyo Kuwa wadaniga ee uu qaado Waxaa laga xusi karaa oo aan aqristayaasha u soo Xulay.

  • Heesta Baladweyn
  • Heesta Siraad
  • Heesta Hanaanka
  • Heesta Qarad
  • Heesta Isha Baydhabo
  • Heesta Hakaba
  • Heesta Godobteyda la carow
  • Heesta Axad
  • Heesta Arbaco
  • Heesta Wadhaf iyo Shimbiro
  • Heesta Wardheer
  • Heesta Abaadiwow

Heesta Nabsi Heesta Wadaniga ah ee la magac baxday GUDI

Haasaha Talantaaliga ee u la qaaday Hablaha waxaa ka mida kuwa aan u soo xulay aqristayaasheena kana mida heesaha talantaaliga ee loogu jecelyahay Samatar.

Heesta RAXMAD oo ay wada qaadaan AUN Xaliimo Khaliif Cumar ‘Magool’ Boqoradii Codka

Heesta HAATUF oo ay la qaado Fanaanada Codka Dahabiga leh Sahro Axmed Jaamac

Heesta HA GOR GORININ oo ay la qaado Fanaanada Caan Baxday ee luuqda Macaan saado Cunaabi Cali Warsame.

Heesta KU JAR HADALKA oo ay la qaado Fanaanada Codka Baxsan Shankaroon Axmed Yuusuf’ Sagal’

Heesta KAALAY SACABKA IGU QABO oo ay la qaado Fanaanada Codka Dagan Shamso Cumar Axmed

Heesta KALA HARI MEYNO oo ay wada qaadaan Fanaanada Codka Macaan Saynab Xaaji Cali Siigaale’ Baxsan’.

Heesta DAWO oo ay wada qaadaan Fanaanada Da.da yar ee Codka Naxaariista leh Sahro Abuukar Cabdi ‘ Sahro Dawo’

Heesta WAA DUULISTEENII oo ay wada qaadaan Fanaanadda Caan Baxday luuqdana macaan Saado Cunaabi Cali Warsame.

Heesta Wadaniga ah ee MACAASH oo ay wada qaadaan Fanaanada Codka Toolmoon ee Khadro Daahir Cige

Hobolka Xasan Aadan Samatar ‘ Xasan Baashi’ Waxaa heestii ugu horeysay u dhiibay Abwaan Maxamed Cumar Nadaam heestaasi oo lagu Magacaabo Hanaanka,waxaana hobolku uu kaga qeyb galay horaantii sanadihii 70meeyada Barnaamijkii Heesaha hirgalay isagoo ku Galay Kaalinta 1aad.

.

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’ uurdoox | uurdoox2011@hotmail.com

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login