Amaan xumo ka jirta xeryooyinka Dhadaab

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Xerooyinka qaxootiga Gobalka NFD waxaa halkaasi ka taagan xaalad cabsi ah.

Xilli ammaanka xeryahaasi muddooyinkii dambe uu ahaa mid sii xumaanaye ayaa iminka dadka ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Gobalka NFD waxa ay cabsi ka muujinayaan dadka xiran jaakadaha iyo cimaamadaha.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in hada xaalad cabsi xoogan ah ay ka taagan tahay halkaasi.

“Dadka jaakadaha iyo cimaamadaha wata looma dhawaado waa laga cabsanaa waayo waxaa la isleeyahay falal lidi ku ah ammaanka ayuu wadaa”

Arintani ayaa waxa ay noqotay mid kusoo korodhay xeryaha Dhadhaab ee Gobalka NFD oo ammaankeeda muddooyinkii dambe sii xumaanaye halkaasi oo ay ka dhacayeen falal lidi ku ah ammaanka iyo dilal qorsheysan.

Waa markii ugu horeysay oo xaalad cabsi caynkan oo kale ah ay soo foodsaarto qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Gobalka NFD.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.