- Home
- No categories
Chelsea oo ka Gudubtay Taakadii Totenham ay u dhigtay,kuna sii qabatay Hogaanka 22 dhibcood
Kooxda Chelsea ayaa sii seeto dheereysatay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ka dib Markii Galabta Taakadii ay u dhigtay Totenham ay Jiirtay ugana badisay 4-2,walow Bilowgii qeybta Danbe ee Ciyaarat Kooxda Chelsea loo Baqay ka dib Markii Daqiiqadoow ax yar u dhaxeeyeen ay 2 Gool oo deg deg ah ka dhaliyeen Gallas iyo Defoe.
Qeybtii Hore ee Ciyaarta oo ay gacan sareysay Chelsea waxaa Goolka ay ku Hor mareen u dhaliyay Difaacooda Cahill waxaana lagu kala nastay qeybtii Hore 1-0 lagu Hogaaminayo Totenham.
Kooxda Totenham ayaa 15kii daqiiqo ee ugu Horeeyay Jaanta si fiican iskula helay waxaana ay 2 gool ka Gaarsiyeen Chelsea oo Xiligaasi Waagu ku baryay.
Matta oo ka mida Weeraryahanada Kooxda Chelsea ayaa ka qiirooday 2 gool ee durbadooba Kooxdiisa laga dhaliyay waxaan uu ku Jawaabay 2 gool isagoo ciyaarta ka dhigay 3-2 Daqiiqadii 69aad.
Chelsea oo Markaasi u muuqatay mid ku daadaaleysa inay difaacato Goolkeeda 3 ayaa waxaa Weerar is daba joog ah oo qatar galiyay Goolkooda ku qaaday weeraryahanada Totenham oo fursado dhowr ah iska lumiyay,sidoo kale Chelsea ayaa iyaduna Cuntay Kubado loo fishay Gool oo lagu xusi karo Fursad uu Qasaariyay 9 Toress.
Dhamaadkii Ciyaarta waxaa Goolkii 4 si qurux badan shabqa Totenham u dhex dhigay D. Sturridge oo ka helay Gudub Saaxiibkiis JUan Matta waxaana Ciyaartii ay ku soo Gaba gabowday Chelsea oo ku suuldaartay Totenham 4-2,waxaaana ay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 oo Todobaadkaan la ciyaarayo Kulanka Meertada 8 ee Wareega Hore ku Hogaamineysaa 22 Dhibcood walina dhinaceeda dhulka lama dhigin.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize